Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ma dhabaa Qoyska Reer Siilaanyo inay Turkiga kaga tashadeen Doorashada soo socota?

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti ka kooban Sadex wasiir oo kala ah Arrimaha Dibeda, Ganacsiga iyo Macdanta ayaa muddo toddobaad ka badan Dalka Turkiga u safray iyagoo mudadii ay joogeen kulamo la yeeshay Raysal wasaaraha Dalkaasi iyo madax kale iyagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin fahamka siayaasadeed ee ay Turkigu ka qabaan Somaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale Mashaariic ay Somaliland dalbatay in wax ay kala qabtaan.

Hadaba, taas waxa bar bar socday kulan kale oo la sheegay in Qoyska Reer Siilaanyo kulan kale ku yeesheen Dalka Turkiga, wallow aanu Madaxweyne Siilaanyo ka hadal markii uu Dalka ku soo noqday, hadana Ilo wareedyo u dhuun daloola siyaasadda Qoyska Madaxweynaha ayaa sheegaya in dhamaan Carruurta X Axmed u kicitimeen Dalka Turkiga mudadii uu Aabahood hawlaha Qaran ku joogay Dalkaasi.

Ma cada Qodobada laga wadahadlay kuwa ay ahaayeen, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in Nuxurka kulankooda ugu wayni ahaa sidii ay u shaxayn lahaayeen Mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweynaha sidii ay talo uga soo jeedi lahaayeen maadaama Doorashada soo socota ee Madaxtinimada ay ka hadhsan tahay muddo koobani.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore ugu dhawaaqay in aanu Doorashada dib u dhigayn, sidoo kale Wasiiradda Xukuumaddiisa ayaa marar badab ku Cel celiya in uu u taagan yahay mar kale jagada Madaxweynanimada Xisbiga Kulmiye, waxaanay taasi dadweynaha galisaa dood qofba dhinac u baaciyo.

Hase yeeshee Qoyska ama Carruurta Axmed Siilaanyo ayaa la sheegayaa kulankoodu inuu salka ku hayey Doodahaasi, waxaana qaar ka mid ahi sida dadka caadiga ahi qabaan ay soo jeediyeen baa la leeyahay in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulo shanta sano ee danbe isla markaana uu Xisbiga ka soo saaro Hogaamiye uu ku majiirto Noloshiisa inta uga hadhay.

Laakiin, Dood ka duwan ayaa lagu soo waramay in qaar ka mid ah Qoysku soo jeediyeen taasoo mawqif ahaan in ay qabaan in Aabahood isa soo taago Doorashadan isla markaana uu talada sii hayo, iyagoo u arka in ay tahay fursad in uu xilka sii hayo maadaama sharcigu u ogol yahay.

Labada Dood ee Dadweynaha iyo Qoyska Odayguba qabaan marka laga tago waxa jirta Dood kale oo u dhaxaysa taasoo ah in Madaxweyne Siilaanyo loo hibeeyo korodhsiimo laba ama sadex san ah kadibna uu Doorasho qabto, halka ay dad kale sheegayaan maadaama wax badan iska bedeleen taageeradii loo hayn jiray Xisbiga Kulmiye in uu korodhsiimada kadib isa soo taago.

Si kasta ha ahaatee ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo iyo Carruurtiisu mawqifka ay isugu biyo shubteen ee ay tahay taladooda Hogaaminta iyo ta doorashada soo socotaaba, hase yeeshee waxa wax badani cadaan doonaan bisha Diisambar oo loo balansanyahay shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo ay isna Dood badani ka taagan tahay cida Loogu Cumaamadi doono.

xigxasho waaheen

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com