Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sanad guuradii 29′aad ee ka soo wareegtay geeridii Muj.Mohamed Hashi Deria (Lixle)

MaxamedCariish

Waxaan halkan idiinku Soo Gudbinayaa Qoraal Kooban oo ka waramaya dagaalkii Burco-Duurey oo ah dagaalka
lagu asteeyey Maalinta Shuhadada SNM.
Sidaas darteed waxaa xusi doona Taariikhda Maalintan dad badan anigu waxaan halkan ku soo qaray warbixiintii
Mujaahid Ibraahim Koodbuur, u Diray Gudoomiyaha SNM, oo dhamays tirna waana sidan :-

——————————————————————————–

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

KU: Gudoomiyaha SNM 25/10/1984

Dire Dawa (Diri Dhawa)

UJEEDDO: WARBIXIN DAGAAL

17 Oct. 1984 , saacaddu markii ay ahay 2.45 galabnimo Guutada Sayid Cali ee deganayd Kaam-Xabashi waxaa soo weraray cadaw watey 24 Gaadhi oo kala ah

a) Toban Gawaadhida Gaasaaman ah

b) Afar Jeep( Ama Jiib)

c) Laba Suug

d) Laba Shilke

e) Laba Toyota oo Xambaarsan Qoryaha (Prown & Gerinove)

f) Afar Ife oo ah gaadiidka Waaweyn

Ciidanka cadawgu wuxuu ka koobnaa shan Boqol (500) oo askari oo aad u hubaysan .

Ciidankeenu wuu ka digniin helay cadaga oo wuxuu ugu diyaar garoobey meel kaymo xidhan leh .ciidankeenu wuxuu gaashaanka u qabtya oo uu dib u celiyey raacii hore iyo Raacii labaad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday gaadiid badana ka gubey.

Afartii iyo badhkii galabnimo (4.30 PM) waxaa ciidankeena soo weeraray raacii 3aad ee cadawga waxaanu dagaalamayey ilaa 9 fiidnimo (9.00PM) markaas oo la is arki waayey oo la kala hulleelay.khasaaraha cadawgu wuxuu noqday

a) 108 askari oo geeriyoodey iyo askar badan oo dhaawacantay

b) 9 Gaadhi oo gaasaaman oo laga gubey 2 ka mid ahna Lagala hadhay

c) 3 Gaadhi oo laga gubey oo kala ah hal Jeep, hal Shilke iyo hal Toyota

d) Hub iyo rasaasna waa laga furtay

KHASAARAHA CIIDANKEENA GAADHEY

Mujaahidiinta hoos ku qoran oo shahiidey:-

1) Mujaahid, Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)

2) Mujaahid. Maxamuud Maxamed (Magaciisa kale ma muuqanayo)

3) Mujaahid Maxamed Cadduur ileeye

4) Mujaahid Jaamac Yaasiin Odowaa

5) Mujaahid Cabdi Cabdalle Mubaarik

6) Mujaahid Maxamed Cabdilaahi Caydiid

7) Mujaahid Axmed xasan Cilmi

8) Mujaahid Yuusuf Axmed Xirsi

9) Mujaahid Maxamuud Aadan Cali

10) Mujaahid Yuusuf Xirsi (Timo Jilic)

11) Mujaahid Yuusuf xasan ismaaciil

12) Mujaahid Maxamuud Cabdilaahi Maxamed

13) Mujaahid Maxamed Cabdi Nuur

14) Mujaahid Dayib …… Cumar

15) Mujaahid Axmed faarax Xirsi

16) Mujaahid Xaamud Ibraahim Ismaaciil

17) Mujaahid Jaamac Aadan Madar

18) Mujaahid Axmed Aadan Yuusuf

19) Mujaahid Cabdillaahi Daahir Kooshin

20) Mujaahid Cabdiraxmaan Daahir Yuusuf

21) Mujaahid Axmed Cigaal Jaamac

22) Mujaahid Axmed Ismaaciil Caateeye

23) Mujaahid Caydiid Hurre Cige

24) Mujaahid Haybe Jaamac Kediye

25) Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Ibraahim

Intaa waxaa raaca hal Mujaahid oo dhaawac lagu Qabtay Magaciisuna yahay, Ismaaciil Maxamed Guuleed iyo 30 Mujaahid oo dhaawacmay

Badankooduna dhaawac fudud yahay.

HUBKA LA WAAYEY

a) PKM 1 Qori

b) RPD 4 Qori

c) RPJ/7 ,1 Qori

d) AK 18 Qori

Total 24 Qori

Taariikhdu markay ahayd 19/10/1984 Ciidamadeena ka yimi dugsiga Tababarka Laanqayrta iyo Dhooba Guduud waxay weerareen cadawga Qol- Buulalleh jeer habeen ah khasaaraha cadawga oo aad u weynaa weli lama soo tirinin, Ciidankeena waxa ka Shahiidey Maxamuud Siciid Daa’uud

Guul iyo Gobanimo

Mujaahid Ibraahim Kood-buur

Abaanduulaha Ciidamada SNM

intaas ayuu qoraalka kusoo gabagabeeyey Mujaahid Ibraahim koosbuur

Yusuf Maxamed Cariish (Yusuf Arts)

Burco Somaliland

Yuusufarts@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com