Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumaddu Ha Ku Baraarugto Duulaanka Ay VOA-du ku Hayso Qarranimadda Somaliland

Xukuumaddu Ha Ku Baraarugto Duulaanka Ay VOA-du ku Hayso Qarranimadda Somaliland

 

Calanka Somaliland

(MAANTASOMALILAND)Laanta Afsoomaaliga ee idaacada codka Maraykanka (VOA) oo ka mid ah idaacadaha sida qaawan u taageera xukuumada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa qarsan kari weyday nacaybka iyo cadaawada gaamurtay ee ay hawl wadeenadeeda iyo maamulkeedu u hayaan shacbiga reer Somaliland iyo dawladooda, Isla markaana ka badheedhay oo caddaysatay dagaalka qaawan ee ay kula jiraan ummada reer Somaliland iyo qaranimadooda. Kuwaas oo colaada qotada dheer ee ay u hayaan Somaliland iyo shacbigeedu geyaysiiyey in ay u dhaqmaan si ka arradan anshaxa iyo aqoonta mihnada saxaafadda oo dhan, taasina waxa ay geyaysiisay Idaacada VOA-da iyo shaqaalaheeduba in ay lumiyaan cadaaladii iyo dhex dhexaadnimadii looga baahnaa idaacad caalami ah oo dhan.

Arrintaasina waa sababta ugu weyn ee keentay in lagu kalsoonaan kari waayo wararka iyo barnaamijyada ay idaacadaasi baahiso, iyo in wax kasta oo idaacadaasi baahisoba loo arko kuwo dhinac ah oo aan xaqiiqada ka turjumayn. Si kastaba ha ahaatee marka la eego dagaalka aan xayada iyo xishoodka midna lahayn ee idaacadani kula jirto bulshada reer Somaliland iyo jiritaanka qaranimadoodu ma aha kuwo aynu qormo iyo laba toona ku soo koobi karno. Sidaa aawadeed hadii aynu si kooban u eegno dagaalka idaacada VOA-du ku hayso Somaliland iyo wararka iyo barnaamijyada ku dhisan naxliga, takoorka iyo cunsuriyada ee ay maalin kasta ka baahiso Somaliland kuwoodii ugu dambeeyey, Waxaa ka mid ah barnaamijkooda maalin laha ah ee la magac-baxay (DOODA GAABAN) oo ay khamiistii toddobaadkii hore ku faaqidayeen Go’aankii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud uu dhismaha wasaaradda khaarajiga Muqdisho ugu magac darray ALLE ha u naxariistee Marxuum-Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ka mid ahaa foolaadka dublamaasiyiinta mandaqadda Geeska Afrika gaar ahaan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo 26-kii Bishii November ee ina dhaaftay ku xijaabtay Magaaladda Hargeysa.

Idaacaddu waxa ay barnaamijkeedaas dood ku sheega ah kaga been sheegtay rayul caamka bulshada afka Soomaaliga ku hadasha oo dhan, ka dib markii ay si qaawan oo aan libiqsi lahayn ugu cel celisay in ummadda Soomaaliyeed oo dhami ka biyo diiday in Dhisme dawladeed loogu magac darro Marxuum Axmed Maxamed Qaybe, oo ay idaacadaasi ugu yeedhay in uu ahaa wax ay ku tilmaantay nin Soomaaliya kala jarayay, maadaama uu Somaliland xilal sare ka qabtay, qaranimadeedana aaminsanaa.

Waxa Barnaamijkaasi soo bandhigay, isla markaana kashifay heerka ay gaadhsiisan yihiin nacaybka iyo xumaanta ay laanta Afsoomaaliga ee VOA-du u hayso Somaliland iyo shacbigeedaba. Waxa kale oo uu barnaamijkaasi u xaqiijiyey cid kasta oo dhegaysatay in idaacadda VOA-da iyo shaqaalaheedu u arkaan Somaliland iyo cidii ku abtirsata ama jiritaankeeda aaminsaniba in ay yihiin dad gaaloobay, oo ka baxay diintii islaamka. Maxaa yeelay gabadhii weriyaha ahayd ee doodaas daadihinaysay waxa ay boqol jeer in ka badan ku cel celisay hal su’aal oo ahayd (Miyaanay khalad iyo sharci darro ahayn in nin Somaliland aaminsanaa, oo ka shaqaynayey Soomaaliya kala goynteeda loogu magacdarro dhisme dawladeed?) waxa kale oo ay gabadhaas weriyaha ahi dagaal cad ku qaaday labadii nin ee doodu u dhaxaysay mid ka mid ah, oo isagu aaminsanaa in Marxuum Qaybe ahaa nin taariikh dheer ku lahaa dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya oo uu u soo shaqeeyey muddo afartan sannadood ka badan, taas aawadeedna uu xaq u leeyahay in loogu magac darro dhisme dawladeed iyo wax ka badanba.

ALLE ha u naxariistee Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa uu ahaa Somaliland-er aan Soomaaliya uga baahnayn magac iyo maamuus midna, waxaanu ku qanacsanaa qaranimadiisa iyo inuu difaaco iraadada shacbigiisu ay ku meel mariyeen aftidii qaranka 97% inay madax-banaanidoodii kala soo noqdaan Soomaaliya oo ay midoobeen 1-dii July 1960-kii,waxaanay Somaliland ahayd meeshii ugu horaysay ee laga taagay calan Soomaaliyi leedahay. Qaddiyadda Somaliland ma aha mid la mid ah sida maamul goboleedyadda Soomaaliya ee waa mid ka duwan oo ah labadii dal ee midoobay oo madax-banaanidoodii la kala noqday markii ay midnimadoodii u horseeday Gurri cas aan la mahadin oo lagu hoobtay.

Marka la isu soo min-guuriyo Facaa’ilka taban iyo dagaalka aan geedna loogu soo gaban ee ay VOA ku hayso Somaliland, waxay lagama maarmaan ka dhigaysaa in lagu baraarugo oo laga fal-celiyo anshax xumadda ay qabatintay idaacadaasi, isla markaasna dacwad ka dhan ah idaacadan loo gudbiyo dawladda Maraykanka iyo taliska guud ee idaacadda VOA-da, si loogu taxo qadafyada aan joogsiga lahayn iyo dagaalka qasdiga leh ee idaacadan oo aad moodo in lagu jiheeyay waajibaadkeeda shaqo (mandate) inay la dirirto iraadada shacbiga iyo masiirka Somaliland.

Haddii idaacadaasi garowsan waydo oo raali-gelin buuxda ka bixin waydo deelqaafkeeda, xukuumadda Somaliland waxa la gudboon inay albaabadda u xidho FM-ta VOA-da ee laga dhagaysto goboladda kala duwan ee Somaliland.sababta oo ah waxay ku guul-daraysatay inay ilaaliso dhexdhexaadnimadda iyadoo laanta Afsoomaaliga ee BBC-du marka aad eegto siday u dabaqayaan siyasadahooda farqi weyni u dhaxeeyo oo BBC-du ay kaga horayso dhaqan gelinta xeerarka caalamiga ah iyo ilaalinta dhexdhexaadnimada laga doonayo idaacadaha caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee su’aashu waxay tahay dagaalka idaacadani kula jirto ummadda reer Somaliland ma waxa weeye mid ka turjumaya siyaasadda dawladda Maraykanka ee ay idaacadani codkeeda ku hadlayso, mise waxa uu ku kooban yahay shaqaalaha Soomaalilada ah ee idaacadan ka shaqeeya iyo masuuliyiintooda oo dhamaantoodba ah kuwo reer koonfureed ah, oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya. Siday doontaba ha ahaato’e Jawaabta su’aashaas waxaynu u deynaynaa wakhtiga iyo cidda ay arintaasi khusayso oo keliya. “War jiraana Cakaaruu iman.”

XUSEEN XARBI

EDITOR   MAANTASOMALILAND.COM

HARGAYSA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com