Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ayaa ka hadashay war-bixin ergayga qarramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Mr Nicolas Kay

 Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ayaa ka hadashay war-bixin ergayga qarramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Mr Nicolas Kay, ka jeediyay xarunta qarramada Midoobay, taasi oo uu ku sheegay in xukuumadda tallada Somaliland haysaa ay xidh-xidhay xubno ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, mudane Mawliid Maxamed Ibraahim, oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalka Mr Kay ku sheegay in xubno Mucaaradka ka mid ah la xidhay waxaanu yidhi “Nicolas Kay, hadalka uu yidhi, waa hadalkii uu ka jeediyay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, war-bixintiisana waxa uu kaga hadlay xafiiskiisa UNSOM oo aan illaa hadda ka furnayn (Somaliland), taasi oo sababtii aanu u diidnayna ahayd mid cad, maadaama oo aanu xafiiskiisu ka shaqeynayn waxyaabaha aynu innagu doonayno ee uu ku shaqeynayo lixda qodob ee dawladda Soomaaliya ku shaqeynayso, taasi waynu diidnay, laakiin waxaynu ogollaanay dhinaca caawimada, sida UNDP, UNICEF iyo wixii kale ee hay’addo UN ah jooga ee horumarka inagala shaqeynaya oo isaga hoos yimaada, ayaynu ogollaanay inay u shaqeeyaan sidoodii caadiga ahayd.”

Wasiir ku xigeenku waxa uu naqdiyay warbixintaasi Wakiilka Qarrammada Midoobay waxaanu u soo jeediyay in uu iska hubiyo wararka uu sheegayo, waxaanu yidhi “Hadalka Nicolas Kay ku sheegay War-bixintiisa ee ahayd in qaar ka mid ah Mucaaradka (Somaliland) dalka lagu xidhay, wax ka jiraa ma jiraan, intii xukuumaddani jirtayna qof Mucaarad ah oo la xidhay oo jeelka loo gudbiyey may dhicin, waayo waxaynu qaadanay habka dimuqraadiyadda oo aan ka noqosho lahayn, waxaanan u soo jeedinayaa in Nicolas Kay uu iska hubiyo marka war-bixintaas oo kale loo soo gudbiyo oo uu iska xaqiijiyo”

Wasiir ku xigeenka oo la waydiiyay siday wasaarad ahaan u arkaan warar sheegayay in shaqadda siyaasadda dibadu ku cuslaatay wasiirka iyo madaxda wasaaradaba, waxaanu yidhi “Wax ka jiraa ma jiraan inay ku cuslaatay Wasaaraddii arrimaha dibaddu, Wasiir Maxamed Biixi-na waa wasiir weyn oo da’diisa iyo waayo-aragnimadiisuba u saamaxayaan wax badan oo adduunka ka jira, markaa wax culays ah oo shaqada ka haystaa ma jiraan.”

Geesta kalena Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Jicmicihii Todobaadkii hore si adag u duray warbixintaasi waxaanu sheegay inay wakiilka Qarramadda midoobay wax ka weydiin doonaan warbixintiisa been abuurka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com