Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO SHEEGAY IN CIIDANKA BOOLISKU GACANTA KU SOO DHIGEEN NINKII SHALYA RASAASTA KU DHAAWACAY MADAXA SHAQAALAHA HAYADA KORANTADA

(MAANTASOMALILAND)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in xalay ay hawl-gal ay Boolisku sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo khamiistii shalay laba xabadood ku dhuftay madaxii shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa Ilyaas Daa’uud.

Taliyaha oo galabta u warramayay WARBAAHINTA, waxa uu sheegay “Ciidanka Boolisku waxay hawl-gal balaadhan oo ay shalay galab illaa xalay wadeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo Khamiistii dhaawacay Ilyaas Daa’uud oo ahaa madaxa shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa oo dhaawaciisa lagu baxnaaninayo cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa.”

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in ninkan la qabtay uu laba xabadood ku dhuftay sarkaalkan ka tirsan wakaaladda korontadda Hargeysa.

“Ninkan gacanta ayaanu ku dhignay, waxaanan ammaan halkan uga soo jeedinayaa ciidanka Booliska ee ku guulaystay inay soo qabtaan eedaysanahan, waxaanan ku rajo weyn nahay in sida ugu dhakhsahaha badan aanu u horkeeni doono sharciga,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan HAATANA AY SOCOTO BAADHISTIISU

MAANTASOMALILAND.COM
HARGAYSA/OFFICE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com