Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Cadaaladda ayaa maanta dhagaysatay markhaatiyayaal looga baahday cadeymo ka dhan ah Garsoorayaal iyo Xeer Ilaaliyaal ah ku socoto dacwad lagu soo oogay

Hargeysa(MSL) Guddida Cadaaladda ayaa maanta dhagaysatay markhaatiyayaal looga baahday cadeymo ka dhan ah Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ah ku socoto Dacwad lagu soo Oogay, kuwaasoo lagu soo eedeeyey Musuq maasuq iyo wax is-daba marin. Dacwadan oo in muddo ah socotay ayaa la sheegayaa in lagu Oogayo ugu yaraan Afar qof oo ka hawl-gala Maxkamadaha Hargeysa, kuwaas oo la sheegay in baadhis kadib guddida daba gasha tacadiyada ay Xeer illaaliyayaasha iyo Garsoorayaashu sameeyaan ku soo ogaatay danbiyo lagu eedaynayo. Guddida Cadaaladda ayaa Ansixisay Xeer hoosaad la yidhaahdo Xeerka Anshaxa iyo Anshax marinta, kaasoo loogu talo galay in lagu xakameeyo tacadiyada ay sameeyaan Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyayaashi, hase yeeshee illaa hada ma jiro cid lagu qaaday marka laga reebo shakhsiyaad la sheegayo in xeerkaasi galaaftay, isla markaan shaqada laga joojiyey. Ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa sheegaya in kiiska ay shalay dhagaysteen Guddida Cadaaladdu jiitamayo isla markaana ay niyad jab kala kulmeen markhaatiyaashii la hayey kadib markii fadhiyo loo balansanaa kolba dib loo riixay. Cabashada Garsoorka ayaa wali taagan inkasta oo Xeerka Anshaxa iyo Anshax marinta la sameeyey, waxaana taas ugu wacan jiitanka Guddida Cadaaladu ka jira gudaheeda, halka ay ka ahayd in ay xeerkan dar-dar galiyaan hawshooda.

Xuseen Xarbi

MaantaSomaliland/ Hargeysa Office

0634052413

harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com