Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hay’adda miino-saarka qaranka ayaa maanta warbaahinta dalka qaarkeed uga warbixisay barnaamijyo wacyigelineed oo ay dhowaan ka fulisay meelo ka mid ah dalka iyo qorshayaasheeda soo beegan.

Hay’adda miino-saarka qaranka ayaa maanta warbaahinta dalka qaarkeed uga warbixisay barnaamijyo wacyigelineed oo ay dhowaan ka fulisay meelo ka mid ah dalka iyo qorshayaasheeda soo beegan.

Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee hay’adaasi Md C/qaadir Muuse Cigge ayaa warbixin uu xafiiskiisa ku siiyey warfidiyeenada waxa uu sheegay in hay’adda miino saarka Qaranka oo la aasaasay sanadkii 1996-kii ay hoos tagto wasaaradda Arimaha Gudaha isla markaana ay ka hawlgasho sidii ay bulshada uga wacyigelin lahayd khatarta ay leedahay miinadu, halka sidoo kalena ay hubiso oo soo saarto miinada ku duugan dhulka hoostiisa iyo agabka hadhaaga hubka ah ee qaraxa samayn kara.

Md Cige oo ka hadlayey dhibaatadii ay miinadu ku sababtay dalka iyo dadka reer Somaliland waxa uu yidhi “Mudadii hay’addan la aasaasayay waxaa dalka ku jirtay miino faro badan taasoo xayirtay dhul beereedkii iyo waddooyinkii dadku isaga tallaabi lahaayeen, markaa taas ayaa keentay in hay’adan la aasaaso oo la hawl geliyo”.

Agaasimuhu waxa uu warbixintiisa ku daray in bishii March ee ina dhaaftay ugu yaraan 12 School oo hoose dhexe ah ay ka fuliyeen barnaamijyo wacyigelineed, kuwaasoo ay ka faa’iidaysteen arday tiradoodu ka badan tahay sadex kun oo arday oo la barayay calaamadaha miinada iyo waxyaabaha kale ee duugga ah ee hadhaaga hubka ah ee khatarta ku ah naftooda iyo deegaankaba, xilli hawlagalo dhanka sifaynta ahna laga sameeyey galbeedka caasimadda Somaliland gaar ahaan tuuladda TISSA oo ka tirsan degmada Allay-baday.

Md C/qaadir Muuse Cige Agaasimaha Waaxda maamulka ee hay’adda miini-saarka qaranka oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd inta ay le’eg tahay rajada laga qabo in ugu dambaynta Somaliland laga daahiriyo agabka hadhaaga hubka ah ee ay ka mid tahay miinadu ayaa waxa uu yidhi “Runtii waad ogtihiin mudadii Somaliland jirtay in dhibaatada miinadu ay maalinba ta xigta soo yaraanaysay, xiligana laga yaabo in sanadkii hal mar la arko waxyeeladeeda sidii tii dhamaadkii sanadkii 2013 ka qaraxday Magaalada Burco, markaa waxaanu filaynaa insha allaahu in miinadu ka dhamaan doont o wadankeena, taasina waa sababta ay hay’adani u dhisan tahay.”

Ugu dambayntiina Agaasimuhu waxa uu farriin warbaahinta u mariyey Mujtamaca Somaliland isagoo ka dalbaday in aanay u dhowaanin waxyaabaha u muuqda inay hadhaagii hubka yihiin, wax kasta oo ay ka shakiyaana ay u soo sheegaan xafiisyada hay’adda miino saarka Qaranka iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com