Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanleb Sare Maxamed Cali Yuusuf(Ina Cambaro),ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ku dhiri galiay ina si wanaagsan uga qayb qaataan qaadashada kaadhka dhalashada Somaliland oo dalka oo dhan laga bilaabi doono

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanleb Sare Maxamed Cali Yuusuf(Ina Cambaro),ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ku dhiri galiay ina si wanaagsan uga qayb qaataan qaadashada kaadhka dhalashada Somaliland oo dalka oo dhan laga bilaabi doono .

Waxaa kaloo uu Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ka hadlay dadka Soo galootiga ah ee dalka soo gala iyo sida ay ula socdaan.

“Waxaynu nahay dal Madax banana, oo isku filan wax badana qabsaday, waxa jira in mar walba Xukuumadda Somaliland ka warhayso ila gar ahna ku ogtahay dadka muwaadinta ah ee dalka jooga iyo dadka soo-galeetiga ah ee dalka iska soo galay, waxaana dhab ah in aanu talaabo talaabo ula socono oo aanu xogogol u nahay, sababtoo ah dalka iyo dadkaba xil ayaa inaga saran, kana saraan Muwaadin walba oo dalkan u dhashay, inay ilaashanana waa muhiim”.ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro)ayaa intaa raaciayay.

“Waxaan guud ahaan Muwaadiinta iyo Bulsho weynta ku dhaqan Somaliland oo dhan ugu baaqaya inay si hagarsho la’aan ah uga qeyb qaadtaan Diiwaangelinta dalka ka qabsoomi doonta, sababtoo ah taasi waxa ay fududayn doona inaynu si yar oo fudud oo ogaado tirada Dadka soo-galeetiga ah ee dalka joogta, waxaana sameeyn doona haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo in aanu ku dhaqaaqno qorshayaal waxtar inoo ah”.

Waanu ugu dambay ka hadlay Tahriibka iyo xilligan sida uu ku yahay Somaliland.

“Tahriibka oo ah aafo Qaran, hadda sidiisi hore maaha, oo aad ayuu u yaraday,taasna waxa sabab u ah Guddidii Tahriibka uu Madaxweynuhu sameeyey,Guddidaasi runtii dadaal iyo wacyigelin xad dhaaf ah ayey sameeyeen,oo gobolada ayey mareen, waxa kale oo dhab ah in iyana dadkeenu fahmeen dhibaatada Tahriibku leeyahay, anaguna door aad muhiim u ah ayaanu ka qaadanay, oo Dhalinyaro badan oo ku hamiyaya Tahriib ayaanu dib u soo celinay, markaas waxa aanu Waalidka ugu baaqay inay sameeyaan dadaal xoogan oo dhinaca ubadka ah”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com