Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-Toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu Dr.Macaw siiyey warqad ogolaanshiyo ah oo uu dalka kaga bilaabi karo baadhitaan caafimaad

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-Toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu Dr.Macaw siiyey warqad ogolaanshiyo ah oo uu dalka kaga bilaabi karo baadhitaan caafimaad,waxaana uu sheegay in warqada uu Dr.Macaw uu u qoray ay ahayd mid ku saabsan in loo fududeeyo imaanshihiisa dalka.

Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) oo maanta ay kulan albaabadu u xidhnaayeen ay la yeesheen Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa uga xogwaramay hawlaha waxqabada ee Wasaarada Mudadii uu joogay.waxaana kulankaasi ka dib Wasiirka ay warbaahintu wax ka waydiiyeen arimaha la xidhiidha Dr.Macow,waxaana uu sheegay in aanay Wasaarada Caafimaadku lahayn doorka lagaga joojin karo in dhakhtar uu ka hawl galo Wadanka, arintaasina ay khusaysay ururka Mihnadlayda Caafimaadka.

“Dr.Macaw anigu warqad uu wadanka kaga hawl galo oo uu kaga shaqeeyo umaan qorin,waxaan qoray warqad aan kaga codsanayo,cida ay khusaysaba in loo fududeeyo dhakhtarkaa imaanshihiisa,Door ka Wasaaraduna maaha in ay dhakhaatiirta dibada ka imanysa ay siiso ogolaanshiyo ay ku shaqeeyaan,doorkaa waxaa iska leh Haayada Mihnad layaasha Caafimaadka oo ah Haayad digreeto Madaxweyne ku Magacaaban..”.Ayaa uu yidhi Wasiir Xagla-Toosiye.

Dr:Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu carabka ku dhuftay in dhakhar macaw loogu sheegay in uu yahay dhakhtar takhasus gaara u leh dumarka,balse aanu ahayn oo uu yahay dhakhtar xanuunada guud ah.

“Warqadaas waxaa ku qoran dhakhtarkaas oo waliba takhasuskiisa been layga sheegay oo laygu yidhi waa dhakhtar dumar oo iminaya halkana shaqo u imanaya in loo fududeeyo imaatinkiisa..”.Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku

arintani ayaa imanaysa ka dib markii maalmo ka hor ay wasaarada caafimaadka somaliland ay ka joojisey Dr:Macaw oo hawlo baadhitaan caafimaad oo doonayey inuu ka bilaabo magaalada hargeysa ,waxaana ay arintani noqonaysaa tii ugu horaysay oo nooceda ah oo dhakhtar baadhitaan caafimaad dalka ka samaynaaya laga joojiyo.

One Response to Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-Toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu Dr.Macaw siiyey warqad ogolaanshiyo ah oo uu dalka kaga bilaabi karo baadhitaan caafimaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com