Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo Bil Dib Loo Dhigay Markii Madaxweynuhu ka dalbaday. xoghayaha guud ee kulmiye xasan siciid (warsaxaafadeed)

Xoghayaha Guud ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi oo hore ugu mudaysnaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014-ka, dib loo dhigay illaa 05/08/2014-ka, ka dib markii Madaxweynuhu sidaasi ka codsaday fadhi uu maanta isugu yeedhay Hoggaanka xisbiga.

Sidaasna waxa uu Xoghayaha KULMIYE shaaca kaga qaaday War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray, waxaanu u qornaa sidan:-“UJeedo: Wargelin

Shir uu isugu yeedhay maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha Somaliland Xubnaha Golaha Hoggaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku ekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigay mudada lagu jiro Bisha Ramadaan.

Sidaas darteed, Xubnaha Hoggaanka ku joogay intooda badan (majority), waxay ka aqbaleen madaxweynaha codsigaas isaga ah.

Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loo dhigo illaa inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com