Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xaflad lagu xusayay maalinta biyaha adduunka 22-ka March, ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee magaalada Hargeysa.

March 22nd, 2011

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xaflad lagu xusayay maalinta biyaha adduunka 22-ka March, ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee magaalada Hargeysa.
Waxa xafladaasi ka soo qeyb galay masuuliyiinta wasaarada macdanta iyo biyaha, Maareeyaha Wakaalada Biyaha iyo saraakiil kale ka socday xukuumadda Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Axmed Qalinle oo xuskaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay ka soo qayb galka munaasibadan lagu xusayo maalinta Biyaha Adduunka, , maalintan aynu xaflada u qabanayno oo ah xuska Biyaha Aduunka 22 March adduunkan oo dhanna looga dabaal dago. inaguna haddaynu nahay reer Somaliland Caalamka aynu ka mid nahay, maalintaa iyaguba ay xusayaan iyo arrimaha ay ka hadlayaan intaba inaynu la qaqbaysano waa mid meesha ku jirta ah wallow wadankeena xaalad dhaqaale, iyadana waa la inala qabaaye’e iyo tan abaarraha ay ka taagan yihiin iyana waynu la qaybsanaynaa caalamka, maalintan oo caalamka oo dhan looga dabaal dagayo waxna la isku sheegayo sida arrimaha Biyaha wax lagaga qaban karo”
Agaasimuhu wuxuu sheegay in biyo balaadhinta dalku ay u baahan tahay dhaqaale aad u badan.
Eng C/raxmaan C/salaan Sheekh jawhar oo ah xidhiidhiyaha guud ee Wakaladaha Biyaha oo munaasabadaa ka hadlay waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Baahida biyaha inta imika la hayo marka laga hadlayo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waa sideed magaalo oo waaweyn Hargeysa oo ah magaalo madaxdii waxa lagu qiyaasday inay ku nool yihiin ilaa Sagaal boqol iyo konton kun oo qof inay ku nooshahay inkasta oo dadka qaarna ka badiyaan, waxaanu u haynaa toban kun oo mitir kuyuub oo biyo ah, waxay qof kasta u gaadhaysaa 12 litir maalintii. Waxaana caalamka heerka ugu yari waa inuu qofku maalintii helaa 33 litir oo biyo ah. Magaalada Burco oo ah Caasimadii labaad waxa lagu qiyaasaa inayn ku nool yihiin 350n kun oo qof ayaa ku nool, waxa kaliya ee aanu u haynaa 2200 oo mitir kuyuub oo biyo ah markaa qofkii maalintii wuxuu helayaa 12 litir oo biyo ah.”
Xidhiidhiyuhu wuxuu sheegay inay Somaliland ay hesho biyo ku filan gaar ahaan magaalooyinka waaweyni ay baahan yihiin dhaqaale aad u badan.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, waxaanu ka waramay biyo la’aanta ka jirta caasimada Hargeysa oo uu tilmaamay in xiliga Jiilaalka ah booyadihii u dhaamin jiray biyaha xaafadaha cidhifyada caasimada ay dadkii waayeen ka dib markii booyadihii ay u wareegeen deegaanada miyiga oo biyuhu qaali ku yihiin.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com