Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay ee maanta socdaalka ugu baxay dalka Itoobiya, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Bole international, waxaana Madaxweynaha kaga hortagey masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maanta gaadhay magaalada Adis Ababa ayaa waxa ku wehelinaya wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aaden, Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa waxa sidoo kale loo soo galbiyey qolka VIP-da madaarka Adis Ababa, waxaana soo dhaweynta madaxweynaha ka qayb-qaadanayey wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya iyo safiirka midowga Afrika u fadhiya dalka Itoobiya iyo Chief Protocol-ka Itoobiya, sidoo kale masuuliyiinta safaarada Somaliland ayaa goob joog ka ahaa soo dhaweynta madaxweynaha oo ugu horeeyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuule iyo safiir ku-xigeenka Ayaanle Salaan Diiriye.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo intay joogaan dalka Itoobiya waxay kulamo la yeelaan doonaan madaxda dalka Itoobiya, iyadoo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya ee qotada dheer ka wada hadli doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com