Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

gudoomiyaha waxbarashada gobolka Hawd Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa degmada Balli-gubadle u magacaabay gudoomiye cusub oo dhinaca waxbarashada ah.

\
Hargeysa(MSL)gudoomiyaha waxbarashada gobolka Hawd Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa degmada Balli-gubadle u magacaabay gudoomiye cusub oo dhinaca waxbarashada ah.Gudoomiyaha waxbarashada gobolka hawd warsaxaafeedka magacaabista gudoomiyaha cusub ee waxbarashada degmada Balli-gubadle ka soo saaray magaalada baligubadle ee caasimada gobalka hawd oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada MAANTASOMALILAND.COM ayaa u dhignaa sidan “Ku : Axmed Cali Maxamed CigeOg : Maayarka Degmada Baligubadle ee Gobolka Hawd 

Og : Agaasimaha Maamulka ee W.Wasaarada iyo T/sare                             JSL                           

Og : Agaasimaha Guud ee W.Wasaarada iyo T/sare                                       JSL

Og : Wasiirka W.Wasaarada iyo T/sare                                                              JSL

Ujeeddo : Magacaabid Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Baligubadle.

Ka dib markii aan la tashaday Wasiirka W.Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Masuuliyiinta,Waayo araga iyo Aqoonyahanka waxbarashada Gobol Hawd isla

 


markaana aan garwaaqsaday kuna qancay in aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba aad u hanan karto Xilka Gudoomiyaha Degmada Baligubadle.
Ayaan waxaan go’aansaday inaan kuu magacaabo laga bilaabo taariikhda qoraalkan inaad noqoto Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Baligubadle ee Gobolka Hawd.

Sidaas darteed waxaan ilaahay kaaga baryeyaa inuu kugu ilhaamiyo gudashada xilkaa laguu igmaday,waxaanan kaa rajaynayaa inaad si daacadnimo leh u gudan doonto waajibaadka ku saaran.

 

 

ALLAAH MAHAD  LEH

C/Laahi Ibraahin X.Xasan

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hawd

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com