Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha Guud Ee Idaacada Raadhiyow Hargeysa Oo CID-du U Yeedhay Si Wax Looga Waydiiyo Hees Lid Ku Ah Dawlada Itoobiya Oo Idaacada Laga Sii Daayey Iyo Golaha Wasiirada Oo Arintaas Ka Wada Hadlay.

Agaasimaha Guud Ee Idaacada Raadhiyow Hargeysa Oo CID-du U Yeedhay Si Wax Looga Waydiiyo Hees Lid Ku Ah Dawlada Itoobiya Oo Idaacada Laga Sii Daayey Iyo Golaha Wasiirada Oo Arintaas Ka Wada Hadlay.

Hargeysa (maantasomaliland) March,27,2011- Agaasimaha guud ee Idaacadda Raadhiyow Hargeysa Mr Maxamed Siciid Muxumed ayaa looga yeedhay xarunta CID-da ee Magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Idaacada Raadhiyow Hargeysa ayaa la sheegay in ciidamada dambi baadhistu wax ka waydiinayaan hees lid ku ah dawlada Itoobiya oo la sameeyay wakhtigii lagu jiray dagaalkii 1977-kii oo

todobaadkii hore laga sii daayay idaacada Hargeysa.

Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada CID-da ee u yeedhay agaasimaha balse, warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya cabasho ka muujisay heestan idaacada ka baxday oo aan la garanayn sababta keentay, iyadda oo wakhtigan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya meel fiican marayo.

Wargeyska Ogaal oo ka soo baxa Hargeysa ayaa maanta baahiyey in golaha wasiirada ee xukuumadda Somaliland shirkoodii todobaadlaha ahaa ay kaga wada hadleen heestaa idaacada ka baxday ee dawlada Itoobiya cabashada ka muujisay.

Ugu dambayn, wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ka jiray khilaaf u dhaxeeya warfidiyeenada iyo qayb ka mid ah masuuliyiinta warfaafinta oo uu ku jiro wasiir Axmed Cabdi Xaabsadde oo dhawaan loo magacaanbay xilka wasiirka wasaaradaas.

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com