Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobolada bari Fu’aad Aadan Cadde,ayaa ka hadlay warar lagu sheegay in uu u galay Puntland isla markaana uu ka goostay Somaliland.

La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobolada bari Fu’aad Aadan Cadde,ayaa ka hadlay warar lagu sheegay in uu u galay Puntland isla markaana uu ka goostay Somaliland.

Fu’aad Aadan Cadde oo ku sugan miyiga degmada Xuddun ee gobolka Sool oo uu ku sugnaa muddooyinkii dambe oo dhan.

Fu’aad Aadan Cadde oo khadka Tilifoonka uu kula xidhiidhay tifatiraha guud ee shabakada maantasomaliland isla markaana uu wax ka weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in Fu’aad Aadan Cadde uu u tegay dhanka Maamul goboleedka Puntland kana goostay Somaliland maalin ka dib markii lagu soo dhaweeyay Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ooh ore u ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somaliland laakiin xil ka qaadistiisa ka dib ka baxay Somaliland,ayaa ku jawaabay.

“Horta imika waxaan ku suganahay miyigii oo reerkii ayaan la joogaa iyo odayaashii laakiin warkaa imika ka hadli maayo.” Fu’aad Aadan Cadde oo aanu mar labaad weydiinay imika waxa uu kaga jawaabayo in uu Puntland u galay kana tegay Somaliland oo warbaahintu qortay,ayaa mar kale ku celiyay.

“Waxaan hadda arrintaa ka odhanayaa ma jirto laakiin mar kale ayaan ka hadlayaa.”

Fu’aad oo aanu mar kale waydiinay in uu Somaliland siyaasiyan quus uga taagan yahay waxna diidan yahay ayaa mar kale ku adkaystay. “Taana ka hadli maayo laakiin arrintaa warkeeda dib ayaan ka sheegi doonaa.”

Fu’aad Aadan Cadde oo lagu yaqaanay hadal caddaan iyo in aanu hadalka la gabban oo waxa uu diidan yahay mar walba ka hadla,ayaan arrintn sidii lagu yaqaanay aan uga hadal isla markaana in uu goostay oo uu Puntland galay iyo in uu Somalilandtii uu aaminsanaa ku adagyahay midnaba aan sheegin.

Hadalka maldahan ee uu kaga jawaabayFu’aad Aadan Cadde weydiinta su,aashan,ayaa u muuqata mid ku lammaan mawqif siyaasadeed oo wali aanu diirka ka qaadin isla markaana soo bixi doona maal maha soo socda waxaanse la garanayn in uu ku adkaysan doono mawqifkiisii Somalilanderka ahaa iyo in uu u huleeli doono dhanka Puntland taasina waxy caddaan doontaa wakhtiyada soo socda sida uu fu’aad sheegay.
maantasomaliland.com
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com