Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Odey Saleebaan Maxamuud Aaden Oo Dhexda U Xidhay Inuu Ka Faa’ideysto Fursada beesha Ee Uu baneeyay Madaxwaynuhu oo Uu ururkii ASAD dib boodhka uga tumo una arko inuu abaal beesha u Dhigtay”

Odey Saleebaan Maxamuud Aaden Oo Dhexda U Xidhay Inuu Ka Faa’ideysto Fursada beesha Ee Uu baneeyay Madaxwaynuhu oo Uu ururkii ASAD dib boodhka uga tumo una arko inuu abaal beesha u Dhigtay”

Hargey)(maantasomaliland) – Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa urur siyaasadeed cusub oo ka qayb-galla dorashada golayaasha deegaanka ee la filayo dalka ka dhacdo sanadkan 2011-ka gudihiisa.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay guddoomiyaha golaha Guurtida oo cadaynaya qorshihiisa ku waajahan furashada urur siyaasadeedka la sheegay inuu ku hawlan yahay, hase yeeshee sida ilo-wareedyo arintaas u dhuun-daloola u xaqiijiyeen Jamhuuriya, Md Saleebaan waxa uu ku hawlan yahay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa urur siyaasadeed ka qayb-qaata doorashada golayaasha deegaanka, haddii la ogolaado furashada ururada siyaasada oo ay hadda tallo-bixintoodii ku guddo jiraan 20 xubnood oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo u saaray ka tallo-bixinta furashada ururada siyaasadda.

Ma cadda inuu urur cusub oo magac cusub watta furan doono iyo inuu boodhka ka tumu doono urur siyaasadeedkiisii ASAD ee lagu reebay doorashadii golayaasha deegaanka ee ay ka soo dhex baxeen saddexda xisbi ee hadda jira.

War-saxaafadeed ku-simaha xogayaha guud ee UDUB Md Cabdixaliim Maxamed Muuse jimcihii todobaadkan soo saaray ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha golaha guurtida dhexda u xidhay sidii uu boodhka uga tumi lahaa ururkii ASAD “Odey Saleebaan Maxamuud Aaden Guddoomiyaha golaha Guurtida oo dhexda u xidhay inuu ka faa’ideysto fursada beesha ee uu baneeyay Madaxwaynuhu oo uu ururkii ASAD dib boodhka uga tumo una arko inuu abaal beesha u dhigtay.” Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ku dhaliilay furashada ururada siyaasada.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com