Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Goboladda iyo degmooyinka Somaliland Halaysu joojiyo Ama Si iskumid ah ha loogu xaqsooro

Goboladda iyo degmooyinka Somaliland Halaysu joojiyo Ama Si iskumid ah
ha loogu xaqsooro

Waxaa jira gobolo hore u jiri jiray xiligii dawladii somaliya,
Waxaa iyana jira degmooyin hore u jirijiray xiligii dawladii somaliy,
Hadaba Waxaa xiligan ka jira Somaliland gobolada iyo degmooyin cusub,
kuwaasi oo aan si siman loogu xaqsoorin,

Goboladaasi iyo degmooyinkasi waxy leeyihiin derajooyin ay hore u
lahayeen oo aan waxba laga badalin darajo ahaan iyo darajooyin ay
yeelanayaan gabalada iyo degmooyinka cusub ee samaysmay intay jirtay
Somaliland.

Hadaba markay jireen saami qaybsiga hawlaha mashariceed iyo hawlaha
samafal ee hay’daha iyo xukuumada Somaliland ayaa waxaa dhacda in
gobaladaasi iyo degmooyinkaasi soo kala horayay anay helin qiimayn
sharciga dastuuriga ah waa faqsan tusaale ahaan masafadda ay ku
fadhido degmadasi iyo masafadda loo cayimay xuduudaheeda afarta jiho,

Garadag waxay ka mid tahay degmooyinka samaysmay intay Somaliland
jirtay Xudun waxay ka mid tahay Degmooyinka hore u jiray hadan waxaa
muqata in ay ku kala horeeyaan dhinaca wax ka qabashadda agabka.
Adeegyada bulshada in ay qoondaynta waxii samafal ah ama mashaariic
horumarineed ah ee ay mid waliba xaq u lahayd baahuyahana ay ugu kala
duwan yihiin hadba sida wax looga qabto.

Degmada Xudun ayaa u baahan in wax looga qabto si dhakhso ah adeegyada
1 Ciidan Boolis oo loo qoro loona dhiso saldhig Boolis
2 Caafimaadka oo wax looga qabto
3 biyaha oo wax looga qabto
4 degmada oo aan shiqsiyaad aan join waxba laga waydiin waxna loogu soo dhiibin
5 maamulka degmada iyo odayaasha deegaanka xuduna wax laga waydiiyo

Waxay kaloo degmada xudun u baahantahay in xukuumadda Somaliland siiba
madaxwaynahu xil iska saaro sidii loo horimarin lahaa wax kaqabashadda
iskaadhsiinta maamulka deegaanka degmadda xudun oo aan haysan gaadiid
ay ku shaqeeyaan degmadana anay ugu iman maamul ay agab kala wareegaan

Caafimaadka degmadda xudun oo isna u baahn gaadiid loogu shaqeeyo
hawlaha caafimaadka deegaanka degmadda xudun, cusbitaal TB oo
deegaanka oo balaadhan aynan ka jirin MCH iyo dugsiyo wax barasho oo
laga dhiso deegaanka oo ay aad ugu yar yihiin dugsiyadda ka dhisani.

Warkan waxaa saxaafadda soo gaadhsiiyay odayaasha iyo wax garadka
deegaanka degmadda xudun ee gobolka sool

1 chief Caaqil Saleebaan Jaamaca (Baruurdoon)
2 chief Caaqil Maxamed Aadan Cade
3 chief Caaqil Axmed Yuusuf Aadan
4 Samadoon Maxamed Nuur Muuse
5 Samadoon Axmed Xirsi Xasan
6 Samadoon Xasan Saleebaan
7 Oday Jaamac Nuur Cali (Bancade)
8 Oaday shire Cali Faarax
9 Oday Maxame Faarax Warsame
10 Oday Cali Iidan Cali
11 Oday Jaamac Maxamed Xasan
12 Oday Cabdi Maxamed Xasan
13 Oday Maxamed Jaamac Dhiilood
14 Oaday Warsame Saleebaan Dirir
15 Oaday Jaamac Warsame Ismaaciil
16 Oaday Maxamed Jaamac Dalmar
17 Oaday Askar Aadan Hadhi
18 Oaday Saleebaan Cali Cabdi
19 Oaday C/laahi Maxamed Liibaan

Alahayoow Xaqa Natus

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com