Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Tallo Bixinta Furashada Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Gudbinayaan Go’aankooda

Guddida Tallo Bixinta Furashada Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Gudbinayaan Go’aankooda

April 6th, 2011
“Waxa Yuusuf Tallaabo Caadaystay Inaanu Qarin Sirta Guddida Waxaanu khal khal geliyay Shirarkii”
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddoomiyaha Guddida Tallo-bixinta ururada siyaasada ee Madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in dhammaadka bishan ay tallo bixinta hawsha loo saaray u gudbin doonaan madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Guddoomiyuhu wuxuu tafaasiil ka bixiyay xisbiga UDUB oo sheegay in laga saaray xubin gudidaasi kaga jirtay oo la yidhaahdo Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) waxaanu yidhi “Xixbiga bahweynta UDUB ayaa war-saxaafadeed ka qabtay qaabkii aanu xubinta Guddida Tallo-bixinta Madaxweynaha ugu soo jeedinay in laga saaro Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) oo ka mid ahaa xubnaha gudida kana socday xisbiga UDUB, xisbiga UDUB waxay arrintaasi ka muujiyeen jawaab aan sida xaqiiqadu tahay ahayn, sababaha aanu Guddi ahaan u soo jeedinay in xubintaa Guddida laga saaro waxa ka mid ah wuxuu ku kacay aflagaadooyin ka dhan ah xubnaha gudida iyo guddoonka, waxa uu si badheedh ah u cadeeyay inuu ka baxay Guddida bilowgii hawsha.”
Md. Saleebaan Yuusuf oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo uu caqabad ku noqday hor u socodkii iyo hawl maalmeedkii Guddida Tallo bixinta, wuxuu si joogto ah jahawareerin iyo khal-khal gelin ugu sameeyay hawshii Guddida wuxuu iska indho tiray codsiyada iyo tallooyinka ka imanaya Guddida. Wuxuu u badheedhay oo uu caadaystay inaanu qarin sirta Guddida arrintaasi oo dareen gaar ah gudidu ka muujisay,sidaasi ayaanu Madaxweynaha ugu soo jeedinay inuu Guddida ka saaro Yuusuf Ciise,”
Md. Saleebaan Yuusuf wuxuu sheegay in Madaxweynuhu markii uu Guddidan magacaabayay uu gudanayay Qodob dastuuriya iyo waajib qaran waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland markii uu gudidan magacaabayay wuxuu ku dhaqmay qodob dastuuri ah oo hawshan isaga ayaa iska leh qodobkaasi oo ah in tallada ummaddu tahay mid ku dhisan hab tallo wadaag ah, Madaxweynuhu arrintan isagaa awood u leh inuu u gudbiyo Goleyaasha sharci dejinta.laakiin Madaxweynuhu isagoo qadarinaya ummadda reer Somaliland tallo wadaagna u muujinaya inay ummaddu xaq u leedahay in Madaxweynuhu ku go’aan qaato ra’yiga bulshada dhammaan gobolada Somaliland ayuu guddidan magacaabay ee may ahayn arrin uu ula jeeday in xisbiyaddu tallo ka keenaan. Guddidani waa guddi qaran xubin kastaana meel ayay ka timid.waxaana Gudidu ku shaqaynaysaa hab cod dheeri ah haddii la isku qabto codka gudida Guddoomiyaha ayaa laba cod leh oo ku kala saaraya.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyay in haddii xisbiga UDUB ka baxay Guddidii ay sii wadayaan hawshii iyo in kale wuxuu ku jawaabay “Way sii wadaynaa hawsha oo labada xubnood ee UDUB marka laga reebo waxa sii shaqaynaya 18-kii xubnood ee kale. Anigu waxaan ka tirsan nahay Golaha Wakiilada waxaanan ka mid ahay xisbiga UDUB oo aan aasaaseyaashiisii ka mid ahay illaa imikana UDUB ah. Xisbigaasi waa xisbigii tallada dalka hayay 11 sanadood xisbi aha xisbi ka dudi kara nin baa Guddi la shaqayn kari waayay arrintaasi waxay dhabar jab ku tahay Hoggaanka UDUB,”ayuu yidhi Md.Saleebaan Cali Koore.
“Hawshan aanu haynaa anaga laftayadu sidii aanu moodaynay markii hore ma aha,marka dhammaan bulshada Somaliland ee gobol kasta ku dhaqan lala hadlayo oo dhalinyarada, aqoon yahanka,haweenka, salaadiinta iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo dhan wax fudud ma aha markaa imika Hargeysa ayaanu joognaa oo gabo gabo hawsheedii noo maraysaa markaa Gobolada ayaanu u gudbi doonaa. Waxaanu ku rajo weyn nahay inaanu dabayaaqada bishan Madaxweynaha u gudbino go’aankayaga,”ayuu yidhi Guddoomiyaha oo maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee idaacada VOA-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com