Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

warsaxaafadeed ka soobaxay xisbiga UCID War saxaadaeed xisbiga UCId ku dhaliilayo ansixintii xeerka ansixinta isgaadhsiinta Somaliland Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID Justice and Welfare Party حزب العداله والرأفة

Warsaxaafadeed ka soobaxay xisbiga UCID

War saxaadaeed xisbiga UCId ku dhaliilayo ansixintii xeerka ansixinta isgaadhsiinta Somaliland

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID
Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

___________________________________

Date, April 12, 2011

Ujeeddo: Warsaxaafadeed

Maalintii Axadda ahayd ee 10/04/2011 waxaa Golaha Wakiiladda Somaliland ansixiyeen xeerka isgaadhsiinta Somaliland.

Xeerkaas Qodobo ka mid ahi waxay ka soo horjeedaan Dastuuurka Qaranka iyo mabaadiida ganacsiga suuqa xorta ah ee Dastuurku u damaanad qaaday bulshada Reer Somaliland.

Xeerkan waxa ku jira oo ka muuqda qaladaad sharci, mid farsamo iyo qodobo si gaar ah cid ugu adeegaya isla markaana aan la socon sida dawladaha caalamku u dejiyaan xeerkooda isgaadhsiineed.

Xeerkan waxa majarahabaabiyay guddiga dhaqaalaha iyo shirgudoonka oo ku shaambadaysan meelmarintisa iyo wax ka bedelkiisa waxa kale oo nasiib darro ah Golihii Wakiilada oo noqday saylad furan oo kooxo ganacsato ahi ka dhex kaluumaystaan oo lacag lagu bixiyo si looga fushado dano gaar ah oo lidi ku ah dastuurka qaranka, taasina waa bar madaw oo ku taala xildhibaanada ansixiyay .

Dhaartii, xildhibaanimadii iyo ilaalinta danaha guud waxa laga horimariyay dan gaar ah oo kooxo u adeegaysa, baalmarsana shuruucda iyo dastuurka.

Ummadi waxay wax ku noqotaa caddaalad, horumar iyo badhaadhena ku gaadhi karta meelmarinta sharciga iyo ku dhaqankiisa.

Ugu danbayn waxa Xisbiga UCID ugu baaqaya Golaha Guurtida, Madaxweynaha, iyo Maxkamada Dastuuriga ah inay ka saaraan wixii Qodobo ah ee ka horimaanaya Dastuurka Qaranka kana gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta sharciga iyo danaha dadweynaha.

Alla Mahad Leh

Md Abdinaasir Yusuf Cismaan (Qodax)

Xoghayaha Warfaafinta iyo Saxaafada Xisiga UCID [SlideDeck id=’1598′ width=’100%’ height=’300px’]

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com