Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradaasi ayaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

April 20th, 2011 [SlideDeck id=’1943′ width=’100%’ height=’370px’]
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradaasi ayaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa Tuuladda Yufle oo 30km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo kaga hortagay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Duqa Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolkaasi, ka dibna waxay u soo galbiyeen gudaha magaalada Ceerigaabo halkaasi oo ay waddooyinka hareerahooda u taagnaayeen dadweyne tiro badan ka qeyb galay soo dhawaynta wasiirka.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay dadkii soo dhaweeyay wuxuu ILAAHAY uga baryay inuu ka soo jabiyo abbaarta ba’an isla markaana u shubo raxmaadkiisa.

Wasiirka Daakhiligu wuxuu sheegay in socdaalkiisa gobolada barigu uu la xidhiidho xog ogaal u noqashada xaalada guud ee deegaamada dalka, waxaanu tilmaamay in mudada uu joogo magaalada Ceerigaabo uu kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta Gobolka, Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sanaag.

Dr. Gaboose waxa uu saaka ka soo kcitimay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo uu xalay u hoyday isla markaana uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta degmadaasi iyo qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi. Wasiirka iyo weftigiisa waxa la dejiyay Guriga martida ee magaalada Ceerigaabo.

wariye saraaf
ceerigaabo
[SlideDeck id=’1770′ width=’100%’ height=’370px’] [SlideDeck id=’1946′ width=’100%’ height=’370px’]

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com