Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Dhalinyaradda SOSYA Oo Badhasaabka Saaxil Ugu Baaqay In Uu Dib Uga Noqdo Guddida Uu U Magacaabay Jaamacadda Berbera, Oo Ay Ku Tilmaameen Kuwo Aan Waxba Kala Socon Duruufaha Jaamacadu Soo Martay.

Hargeysa maantasomaliland.com) Apr.27, 2011 – Ururka dhalinyaradda reer Saaxil ee Hargeysa ku nool oo magaciisu yahay (Somaliland Saaxil Youth Associtaion), ayaa waxa ay ka hadleen khilaafka ka dhaxeeya badhasaabka gobolka Saaxil iyo Maamulka Jaamacadda Berbera.

Ururka ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray isla-markaana uu ku saxeexnaa afhayeenka Ururkaas Mr Axmed Jaamac Ismaaciil, ayaa waxa ay taageero ugu muujiyeen war-saxaafadeedkii agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Mr Cabdiraxmaan Cawil Xasan, kaas oo markhaati ka ahaa in badhasaabka gobolka Saaxil awood ciidan kula wareegay jaamacada Magaaladda Berbera, waxayna intaa ku dareen inay ka xun yihiin in badhasaabka Gobolka Saaxil qaado talaabooyin aan waxba u soo kordhinayn gobolka Saaxil, gaar ahaan jaamacada Berbera.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale taageero loogu muujiyey guddida jaamacadda Berbera ee uu xooga kaga qaadayo jaamacada Berbera Mr Ramaax, waxayna sheegeen in guddidaasi oo ay hogaan u tahayMarwo Faadumo Siciid yihiin kuwa mudan in la garan istaago oo la taageero, maadaama oo ay yihiin dadkii dhaliyey fikirka jaamacadda lagu hirgaliyey.

Ugu dambayn, ururka dhalinyaradda reer Saaxil,  waxay u soo jeediyeen badhasaabka gobolka Saaxil inuu la yimaado tanaasul waxtar leh, isla-markaana soo afjaro khilaafka uu gobolka ka abuuray, dibna uga noqday go’aanka uu ku magacaabay guddida cusub oo aan waxba kala socon duruufaha iyo marxaladihii kala duwanaa ee jaamacada lala soo maray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com