Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in dawlad Kuwait ay Somaliland ka caawin doonto mashaariic kala duwan

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in dawlad Kuwait ay Somaliland ka caawin doonto mashaariic kala duwan oo ayku baxayso 15 milyan oo dollar oo iskugu jira horumarinta adeegyada Biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay galabta oo uu ka soo degay madaarka Magaalada Xeebta ku taalla ee Berbera ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay muddo laba todobaad ah oo uu ku tagay dalalka Kuwayt iyo Imaaraadka carabta.

Madaxweynaha Somaliland oo ay madaarka si diiran ugu soo dhaweeyeen Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadiisa iyo maamulka Gobolka Saaxil, waxa uu tafaasiil ka bixiyay natiijadii socdaalkiisa isagoo madaarka Berbera Saxaafada ugu waramayayna waxa uu yidhi ”Aniga iyo weftigii aan hoggaaminayay waxaanu safar ugu maqneyn dalalka Imaaraatka carabta iyo Kuwait muddo 17 maalmood ku siman, waxaanu madaxda iyo Ha’yadaha dalalkaas aanu tagnay kala hadalay kalana xaajoonay adkeynta xidhiidhka inaga dhexeeya iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.safarkayagani waxa uu ahaa mid midha dhala waxa nalagu qaabiley hab maamuus aad u heer sareeya waxaana aanu kala kulanay soo dhaweyn saaxiibtinimo oo walaalnimo ku dheehantay.”

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay mashaariicda ay u soo ogolaadeen dalalka uu socdaalka ku tagay waxa uu yidhi “Madaxda wadamadaas waxaanu u bandhignay inay inaga caawiyaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo wadooyinka, inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar, kuwaas oo isugu jira 24 ceel, 20 dhaam iyo dayactirka wadada u dhaxaysa Berbera iyo Burco, waxa kale oo Kuwait balanqaaday inay waxbarashada iyo caafimaadka wax ka tari doonaan iyagoo soo diri doona khubaro qiimayn ku sammeeya mashaariicdan.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Dawlada Abu Dubai waxay noo ogolaadeen deeq waxbarashoo oo 50 arday ah, anaguna waxaannu u soo bandhignay inaanu diyaar u nahay wixii maalgashi ah ee ay dalkeena ku samaynayaan, iyaguna waxay noo sheegeen inay ka faa’iidatysan doonaan furasada aanu siinay, waxaana dalka iman doona shirkado kala duwan oo doonaya inay maalgashadaan.”

“Imaaraadka carabta masuuliyiinta aanu la kulanay waxay kala ahaayeen sheekh Hamdaan binu Saayid Al-nahyaan Amiirka qeybta galbeed Imaaraadka carabta Abu Dubai, Raysal wasaara-ku-xigeenka Sheekh Mansuur, Wasiirka Tacliinta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarik Nahyaan, Amiirka Raysul-Khayma Sheekh Sucuud,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi “Madaxda dalka Kuwait ee aanu la kulanay waxay kala ahaayeen Amiirka Kuwait Sheekh Sabaax iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada dalkaa, Dr. Saleebaan oo ah guddoomiyaha hay’ada mashaariicda gargaarka ee Kuwait fund.”

Madaxweynaha Somaliland Md . Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo waxa xubaha weftigiisa ay kala haayeen wasiirrada arrimaha dibada Dr. Maxamed C/laahi Cumar , Duulista iyo hawada Md. Maxamed Xaashi Cabdi , Marwada madaxweynaha Aamina Sh. Maxamuud Jirde ‘’Aamina waris’’ Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi X.Cali Xasan , afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo xoghaynta gaarka ah ee maddaxweynaha Cali Axmed Cali.

Waxa madaxweynuhu uu makhribkii soo gaadhay caasimada Hargeysa.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com