Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Dilka Hoggaamiyihii Al-Qacida

– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay dareenka xukuumadiisa ee la xidhiidha dilka Hoggaamiyihii Ururka Al-qacida, oo ciidamada Maraykanku ay ku khaarajiyeen ku guri yaala dalka Pakistaan oo uu ku dhuumanayay.

“Dawlada Somaliland waxay qabtaa waxa dunida oo dhan intiisa badan laga qabo oo ah in argagixisadda caalamka lala dagaalamo, argagixisaddu Anaga (Somaliland) dhibaato badan ayay noo geysatay waynu ognahay khatarihii iyo duulaankii ay inagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dilka Hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al-qacida.
“Waana aanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi,waxaanu u aragnaa in taasi wax ka tarto, talaabooyinkii argagixisada laga qaadayay oo ay dhinto dhibaatooyinkii argagixisaddu ku hayaan caalamka,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu waraysigaasi kaga waramay socdaalkiisii qaatay 17-ka maalmood ee uu ku soo maray dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwayt, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi uu guul u ahaa Somaliland, waxaanu tilmaamay in Kuwayt ay balan qaaday inay Somaliland ka taageerto mashaariic ay ku baxayso 15 milyan oo doillar, kaasi oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha,caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxa kale oo uu sheegay in dalka Imaaraadka carabtu ay balan qaadeen inay dhisayaan dayactirka jidka u dhaxeeya Berbera iyo Burco.waxaanu labada dawladoodba uga mahad celiyay sidii heerka sare ahayd ee ay weftigiisa u soo dhaweeyeen.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com