Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weftigii Wasiirrada, Badhasaabadda iyo Maayaradda dalka qaarkood, ee dalka Jabuuti kaga qeyb galay kulan balaadhan ee dawlada Maraykanku soo qaban qaabisay

maantasomaliland.com)oo lagu darsayay mashaariicda horumarineed ee Maraykanku uu markii u horraysay si toos ah u siinayo Ha’yadaha dawliga ah. Ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Weftigan oo ka koobnaa 73 xubnood waxay isugu jireen 3, Wasiir, 13 Maayar, 4 Badhasaab, Ururada bulshada iyo ganacsatada dalka waxaana hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Cabdi Gaboose.

Shirkaas oo ay maamulaysay Ha’yada USAID waxa uu socday muddo shan maalmood ah waxaana lagu lafo guray sidii mudnaanta loo kala siin lahaa mashaariic ay ku baxayso sadex Milyan oo Dollar.

Weftigan oo maanta ka soo degay madaarka Magaalada Hargeysa waxa ka hadlay Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxaanu yidhi “Shirkan waxa lagu darsayay mashaariic la siinayo ha’yadaha dawlada ee Somaliland waxa wada USAID waana laba qeybood oo qeybtan imika waxa weeye sadex Milyan oo Dollar waxaana mashaariicdan toos gacanta looga gelinayaa qandaraasleyaasha iyo ururada Bulshada taasi oo loogaga faa’iidaynayo dawlaha hoose iyo Wasaaradaha waxaanay mashaariicdaasi ay bilaabmayaan dhawaan.”

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegay in dawlada Maraykanku ay wax ka bedeshay siyaasadeedii la xidhiidhay dhinaca kaalmooyinka isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Shir wanaagsan ayaanu ka soo qeyb galay oo runtii aad aragto in aqoonsigii uu qarka inoo soo saaran yahay oo ay Maraykanka ka go’an tahay inay ina ictiraafaan. Maadaama oo ay kaalmooyinkii ay wax ka bedeleen oo imika ay tahay wax wadda qeybsiga.”

“Waxa nala socday dadkii shacbiga ahaa oo arkaya wixii loo qabanay kana qeyb galaan ka hadalka mashaariicda arrintaasina waa wax weyn oo runtii na raali gelisay,”ayuu yidhi Md. Xaabsade.

Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu ka hadlay xafladii caleemo saarka ee madaxweynaha Jabuuti oo ay ka qeyb galeen wefti ka kooban shan wasiir si wanaagsan loogu soo dhaweeyay oo aan lagala mid dhigin Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com