Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weftigii ka koobnaa Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafka oo ka dhoofay madaarka London iyagoo ku soo jeeday Somaliland

London (maantaSomaliland.com)- Weftigii ka koobnaa Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafka Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Beeraha Md. Faarax Cilmi Maxamuud, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa shalay ka dhoofay madaarka magaalada London ee dalka Ingiriiska iyagoo ku soo jeeday Somaliland, ka dib markii ay dhamaysteen socdaal shaqo oo qaatay muddo afar todobaad ahoo ay ku joogeen dalkaasi.
Weftigan oo ka tirsanaa guddidii xukuumadu u saartay gurmadka abaaraha waxay socdaalo kala duwan ku tageen magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska waxaanay kulamo la yeesheen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinkaasi sida uu sheegay Maxamuud Xasan Cabdi (Buuni) oo ka tirsan xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska.
Weftigani waxay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Britain ay ka heleen lacag dhan konton kun oo dollar oo loogu tallo galay in lagaga hawl galo abaaraha wali ka sii jira qaar ka mid ah gobolada dalka.
Waxa kale oo la sheegay in weftigan Wasiirrada iyo jaaliyada Somaliland isla garteen in lacag kasta oo ay xawilayaan ay xukuumadda ugu daraan hal dollar oo wax lagaga qabto biyo yaraanta ka dhalatay abaaraha.
Wasiirradaasi waxay ka hor intii aanay dalka Ingiriiska ka soo dhoofin ay u mahad celiyeen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska oo kaalin weyn ka qaatay gurmadka abaaraha ee dalka ka jirtay, waxa kale oo ay shirar telefoon la yeesheen jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamadda Finland, Germany, Denmark, Sweden, Australia, Canada iyo Norway. Waxaanay jaaliyadahaasi uga warameen xaalada dalka.
Waxa kale oo weftigaasi kulan la yeesheen saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska iyo Ha’yada DFID, kaasi oo uu ku weheliyay wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Axmed Sangoore.
Weftigani waxa kale oo ay kulan xog waran ah la yeesheen masuuliyiinta sadexda xisbi qaran u qaabilsan dalka Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com