Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland: 20 Sanno Ka Dib Iyo Xamaasadda Qabanqaabadda Xuska 18-ka May…Qaybtii 3-aad

Ujeeddada aynu qormaddan u anbaqaadnay, waa taxanne qayb ka ah diyaar-garowga xuska 18-ka May oo ku suntan maalintii Somaliland dib ulla soo noqotay madaxbanaanideedii luntay.
Dareenka suugaaneed waxaa uu ka mid ahaa dibu-gurashadda iyo tilmaanta hungadda. Waakii marxuum Axmed Muxumed Warsame (Genius) ku yidhi maansaddiisa Dhayalsi.
Waa habeenno dhiilladu,
Ka dhexayso aadmiga,
Dhulkayaga u hoydoo,
Dharaarayna soo maray,
Shantoo dhaban la saariyo,
Ku ekayd dhibaatadu,
Inta dhagar la gaystiyo,
Waxa dhacay ma maqasheen,
Dharaarayna soo maray,
Labadii is-dhugataba,
Mid kaloo dhex taagani,
Oday!!!Meeshu waa dhir nabadee,
Ka dhaqaaqa odhan jiray,”
Haa Mar kasta oo shacbigu tirsaddo dhibaato, Haddii aanay markaasba toos uga jawaabin, kol ay noqotaba waakuwa diidmaddooda ficil ahaan u muujiya.
Inta waqtigu is gurrayo dareenka dadkuna is tarrayo dawladdiihii ka jiray Soomaaliyana dhinacoodda waxay ka waddeen dagaal ay kaga hor-tagayaan istarka kacddoonka shacbiga. noocyo badan ayay lahaayeen qaababka dawaddu uga hortageysay arrintaasi. Wejiyadda ay isticmaashayna waxaa la qirsanyahay inay ka mid ahaayeen in la isku dillo kolba labaddii isu alool iyo Ijaar xigga, in la laayo labeenta ama indheergaradka iyo in lagala dagaalamo dhaqaalaha.
Wax culayska iyo caddaadisku sii kordhaba, wax is weydiinta shacbigu soo noqnoqotaba, wax ay hadba meel xaraaraddu soo gaadhaba, wax la gaadhay mar muruga iyo waalahowgu ka tan roonaado wax lagu hayn karro dareen ahaan iyo su’aal iyo jawaab.
Haa, Qanacii ay reer Somaliland ka qaadeen dalkii ay la bohoobeen, waxaa uu ka gudbay wax ku koobnaan karra dalka guddihiisa. waxaana farriimaha la isu tabinayaa ka tallaabeen xudduudaha. illaa laga tashadday waxaa laga yeellayo khaladka dhacay iyo hanaanka dawladnimo ee markaa jiray. mar kalle aan ku noqdo Axmed. wuxuu tuduc fasir ahaan siddan u dhigan hanaan suugaaneedna uu u dhigay ku yidhi.

“Inta badanna waa dhaxal,
Taariikhdu dhigaysee,
Dharaarayna soo maray,
Ma dhisnaa la odhan jiray,
Dawladdani mid dhaantiyo,
Dhaqdhaqaaq la jecel yahay”

Dabcan dabarkii ayay goosatay ummadu, waxaana la gaadhay samaysankii SNM.
Guddoomiyaha ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo hore Waraysi u siiyay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka waramay marxaladihii waqtigaa aas-aaska SNM. ayaa waxaa uu sheegay in marka hore ay sii waddeen mudaharaadyo ay ku qaban jireen urur la odhan jiray Somali Welfare Organization oo ka dhan ahaa dawladdii Siyaad Barre.”Markii aanu muddo sidaas ku wadnay waxa nala soo xidhiidhay qolyihii gudaha iyo carabta degenaa, oo aad noogu bogay, way noo yimaadeen aakhirataankiina wada hadalayada ayaa waxa ka soo baxay in urur jabhadeed la sameeyo oo markaas halgan hubaysan u diyaar garooba inuu ku qaado dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Markaas aakhirataankii SNM ayaanu go’aaminay, waxaanan 6 April 1981 shirkii u horeeyay ku qabanay London oo aanu kaga dhawaaqnay intaanu saxafiyiintii isugu yeedhnay markaas intayadii mudaharaadka samayn jirtay oo dhan ee mudaharaadyada samayn jirnay waanu ku dhammayn maalintaas. Muu ahayn go’aan saddex ama afar nin go’aamiyeen ee wuxuu ahaa go’aan aanu itaalkayaga ku muujinayno oo aanu isu habar wacanay.”
In kasta oo loo arkayay bilowgii in S.N.M xoogeedu ahaa beelaha dhexe ee Dalka, haddana waxay ka dhalatay una dhalatay reer Somaliland.
…La Soco

xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com