Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga UCID Oo Madaxweynaha Jabuuti Ugu Baaqay Inuu Aqoonsado Somaliland

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Afhayeenka xisbiga ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mr. Xasan Xuseen (Codyare) ayaa Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ugu baaqay inuu aqoonsado qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.
Afhayeenka xisbiga UCID oo maanta u waramayay TV-ga SLSChanal ayaa Madaxweyne Geelle ku booriyay inuu aqoonsado Somaliland si ay labada dal u noqdaan kuwo cilaaqaadkoodu intan ka qoto dheer yahay.
“Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle aan ku bogaadinaynaa doorashada ay shacbigiisu markii sadexaad u doorteen Hoggaanka dalkaasi, waxaan leenahay ILAAHAY ha kugu guuleeyo, waxaan u soo jeedinaynaa inuu aqoonsado Somaliland si ay labada dal yeeshaan cilaaqaad adag,”ayuu yidhi Xasan Xuseen Codyare.
Afhayeenka UCID waxa kale oo uu xukuumadda Jabuuti u soo jeediyay inay Somaliland ka furtaan xafiiskii ay hore ugu heshiiyeen labada xukuumadood, kaasi oo uu carabka ku dhuftay inuu wax weyn ka tari lahaa kor u qaadida iskaashiga labada dal.
Dhinaca kale, Xasan Xuseen waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland ay sanad guurada 20-aad ee dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland ay ku muujin doonaan qaranimadooda. Waxaanu dadweynaha iyo taageereyaasha xisbigaasi ka dalbaday inay u diyaar garoobaan munaasibadda 6-ka May.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com