Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka bilowga hawsha shacbiga Gobolka Tog-dheer

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka bilowga hawsha shacbiga Gobolka Tog-dheer lagaga bedelayo lacagta giimbaarta ee laga qaato deegaanadaasi. Xafladaasi oo lagu qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi,oo kea hadlay furitaankii xafladaasi waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku guulaysatay balan qaadkii la xidhiidhay in lacagta giimbaarta laga bedelo gobolka Tog-dheer oo uu ku dooday inay curyaamisay dhaqaalihii gobolkaasi.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hawsha lacag bedelku ay muddo toban cisho ah ka socon doonto baanka magaaladaBurco, waxaanu tilmaamay in 2000 lacagta giimbaarta ah lagu bedeli doono 1000 Sl sh
Md. Cabdi Dirir Cabdi waxa uu uga digay shacbiga gobolkaasi inay iska ilaaliyaan lacagaha foojariga ah ee lagu doonayo in lagu mijo xaabiyo dhaqaalahooda.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay madashaasi waxa uu sheegay in muddo lix sanadood ah ay shacbiga Gobolka Tog-dheer ay ku olalayn jireen xisbi ahaan inay ka bedeli doonaan lacagta giimbaarta.
Suldaan Cismaan Cali Madar iyo Sulaadaan Maxamuud Guuleed Mirre ayaa iyaguna waxay xukuumada ku ammaaneen waxqabadka waxaanay dawlada u soo jeediyeen inay kordhiyaan mudada lacag bedelku ay ka soconayso gobolka oo ay xuseen inuu aad u balaadhan yahay.
Dhinaca kale waxa isla maantaba dadweynuhu ay sufuuf dhaadheer u galeen sidii ay lacagta giimbaarta ay ugu bedelan lahaayeen noodhka shilinka Somaliland, waxaana dadweynihii lacagta bedelanayay ay u mahad celiyeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inay fulisay balan qaad aad ugu cuslaa shacbiga gobolka Tog-dheer.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com/hargaysa office
harbi_31@hotmail.com
4492093

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com