Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qiimaha Calanka Somaliland oo Cirka Isku shareeray iyo Diyaargarawgii ugu Xooganaa ee Lagu Xuso 18 may oo Somaliland ka Bilaabmay.

Qiimaha Calanka Somaliland oo Cirka Isku shareeray iyo Diyaargarawgii ugu Xooganaa ee Lagu Xuso 18 may oo Somaliland ka Bilaabmay.


Dadwaynaha ayaa Muujiyay isla markaana ku Labista Calanka somaliland oo laga Tolay Shaadhadh Daawo Sawiradda

Hargeisa (maantasomaliland.com)-Dadwaynaha ku Dhaqan Somaliland ayaa Si aad u heersaraysa ugu Diyaar garoobay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland 18-may taasi oo Sanadkan si ka duwan kana Qabanqaabo Fiican Sanadihii hore loogu Diyaar garoobay Xuska maalintan.

Dadwaynaha ayaa Muujiyay isla markaana ku Labista Calanka somaliland oo laga Tolay Shaadhadh, Calammo, Garamaan, Koofiyado iyo dharka dumarka kuwaasi oo ka muuqda guud ahaa Suuqdayada Caasimada Hargeisa iyo Goobaha Ganacsiga.

Goobaha lagu tolo dharka ayaa ku jira cidhiidh iyo Buuq farabadan oo dadku ku soo xoomeen si ay uga toshaan Calanka Dalka somaliland iyaga oo badankoodu labis ka tolanaya ay xidhaan Maalintaasi qiimaha ku leh Qaranimada somaliland.
IMG_1834

Qiimaha Calanka oo kor u kacay ayaa Suuq badan u sameeyay Dadka ka ganacsada Dharka oo Si Xawliya looga iibsanayo Calanka oo ay ka sameeyeen Jeeni Qaar iyo Shaadhadh la xidho oo aad u qurux badan.

Qiimaha calanka ayaa Suuqyada qaar ka maraya $15 illaa $25 dollar taasi oo ku Xidhan Qaabka loo tolay iyo Qurxinta lagu Sameeyay oo qayb ka qiimaha calanka.

Xuskan ayaa ka duwan xusaskii hore ee loo Samayn jiray 18 may iyada oo ay qaban qaabadu ka xoog badantahay intii hore isla markaana Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Fariin Culus u diray Shacabka reer somaliland meel kasta oo ay joogaan inay Muujiyaan Maalinta Qarannimadooda.

Dadwaynaha Reer somaliland ayaa Muujiyay Qiimaha ay ku leedahay Maalintan qiimaha badan isla markaana siyaabo badan uga qayb qaatay fariimaha iyo baraarujinta maalinta Xuska 18 may, dhalinyarada iyo Muwaadiniinta Reer somaliland ee isticmaalada Face-book-ga ayaa Iyagu Bishanba Muujiyay Calankooda isla markaana qof kastaa soo dhigtay Bogiisa hore Astaanta Qaranka Somaliland taasi oo Runtii indha Caalamka Wax badan soo jeedisay.

IMG_1833

Xuska 18 may ee Sanadka 2011 ayaa la filayaa in la qabto Xaflado aad u balaadhan oo si wayn loogu Dabaal Deggayo Maalinta Gooni isutaaga Qaramimada Somiland ee ay Xornimadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii. IMG_1832
187514_100001479236285_3643703_n

2 Responses to Qiimaha Calanka Somaliland oo Cirka Isku shareeray iyo Diyaargarawgii ugu Xooganaa ee Lagu Xuso 18 may oo Somaliland ka Bilaabmay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com