Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xaflada Sanadguuradii 20-aad ee Gooni isu Taaga Somaliland ee 18 may Oo Laga Xusay Gross-Gerau Ee Dalka Jarmalka

Xaflada Sanadguuradii 20-aad ee Gooni isu Taaga Somaliland ee 18 may Oo Laga Xusay Gross-Gerau Ee Dalka Jarmalka

Waxaa isaguna goobta khudbad dheer oo taariikhi ah halkaa kasoo jeediyey wakiilka Somaliland Daawo Sawiradda

Waxaa lagu qabtay gobolka Hessen ee dalka Jarmalka magaalada Gross-Gerau xaflad balaadhan oo lagu xusayey maalinta qaranimada Somaliland.Xafladaas oo ahayd mid aad looga soo shaqeeyey meeshii lagu qabanayeyna ay ilyartu is qabatay ayaa waxay u dhacday jawi aad u fiican .


Waxaa habeenkii xalay ahaa oo bisha May 14 ahayd kadhacay gobolka Hessen ee dalka Jarmalka magaalada Gross-Gerau xaflad balaadhan oo lagu xusayey maalinta qaranimada Somaliland.Xafladaas oo ahayd mid aad looga soo shaqeeyey meeshii lagu qabanayeyna ay ilyartu isqabatay ayaa waxay u dhacday jawi aad u fiican .
Ugu horaynba waxaa halkaa aaayado quraanka kariimka ah ku furay Sheekh Ibraahim oo kamida guurtida Jaaliya Somaliland ee jarmalka ,isagoo intaa kadib u raaciyey wacdi diini ah oo ka hadlaya akhlaaqda suuban iyo siyaaba fudud ee qofku ku dambaabo isagoon isu war hayn ,wuxuu kaloo sheekhu aad ugu dheeraaday akhlaaqda suuban ,oogista salaada iyo ku xidhnaanta Eebe.

Intaa kadib waxaa Microfoonka lawareegey Cali Ibraahim (Cali Bad-homburg) oo isaguna si qota dheer uga xog waramay kaalinta muga leh ee haweenka Somaliland kaga jiraan adeegyada Bulshada haday noqoto mid gudeed iyo mid dibadeedba ,isagoo dhanka kalena ku tilmaamay in Ragu gabeen kaalintii kaga aadanayd adeegyada bulshada iyo weliba hawlihii loo igmadey oo u muuqda kuwo sii gabaabsiyaya ama meeshaba kasii baxaya,isagoo kubooriyey in qaabkaa wax laga bedelo.

Waxaa isaguna goobta khudbad dheer oo taariikhi ah halkaa kasoo jeediyey wakiilka Somaliland u fadhiya dalka jarmalka Mudane Abuu Hureyra,waxaa isaguna xafladaas goob joog ka ahaa Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Dalka Jarmalka Mudane:Cabdi Mayka
Intaa kadib waxaa halkaa lagusoo bandhigay Buraanbur aad u qiima badan oo kawaramaya dhinacyo badan oo nolosha soomaaliland ah xambaarsana duco aan lasoo koobi karin oo ay halkaa kasoo tebisey Xaajiyo Sahra Xaaji C/Laahi Warsame.

Waxaan iyaguna meesha ka madhnayn googoosyo suugaaneed macno weyn xambaarsanaa oo sadex ahaa si qoto dheerna loogaga waramayo noocyada kala gedisan iyo mashaakilaadka haysta jiilka soo kacaya ee ku sugan dalka gudihiisa haday noqoto shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta dalka sababaysana inay tahriibaan ama badaha isku guraan.googooskaa oo loogu magac daray Dibada iyo gudahaba ay siwada jir ahna u daadahaynayeen Sahra Caydiid,Naciima Axmed Aduunyoiyo Shukri Cali Badow .
Googooska labaad oo ay qaadaa dhigayeen Naciima Axmed Aduunyo iyo Sahra caydiid oo ahaa mid aad iyo aad loola dhacay wax badana dadka kaqosliyey oo kawaramayey tahriibta iyo is miidaaminta da yarta soo kacaysa iyo is fahmi waaga ka dhexeeya Waalidiinta dalka gudihiisa ku sugan iyo Ubadkooda qurbaha u tahriibey,taasoo si gaara u xiisa gelisey ku dhawaad boqol dhalinyaro ah oo ahaa kuwa arintaasi khusaysey ee badaha iyo Saxraha kasoo talaabay kuna sugnaa goobta Xafladu kadhacaysey oo markiiba sacab la oogsadey.

Musalsalka sadexaad waxaa darandooriyayey Mukhtaar Maxamed Cabdi iyo Naciima Axmed Aduunyo oo kawaramayey guurka dhex mara dhalinyarada gudaha iyo kuwa debeda oo ay ugu magac dareen “Waan abuuri karaa Nolol.

Intaa waxaa dheeraa Heeso iyo cunto iyo cabitaan aan kala go lahayn oo bilaash ah oo socdey ilaa waagu daalacay.Xaflada sanadkan waxaa isku soo duba ridey oo guntiga dhiisha iskaga dhigay ururka haweenka Somaliland qabanqaabadeedana lahaa bilow ilaa dhamaad
Dhanka musiga iyo madadaalada waxaa u hagar baxay C/Nuur C/Laahi xamari iyo Axmed Siikaawe.
Jaaliyada Somaliland ee Germany (Somaliland Verein)

FALIS CISMAAN Gross-Gerau
falis_cismaan@hotmail.de

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com