Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Roob Lagu Diirsaday Oo Maansheeyay Deegaano Ka Tirsan Sanaag

Ceerigaabo (maantaSomaliland.com)- Waxa maalmihii u danbeeyey guud ahaanba degmooyinka iyo tuulayowga gobolka Sanaag ka da’ay roobabkii raxmaadka gu’ga oo dadka iyo duunyo ay si weyn ugu diirsadeen.

Gobolka Sanaag ayaa kamid ahaa gobolada inta badan ay sida weyn u aafaysay abaartii dalka ka dhacday. wararka naga soo gaadhaya degmooyinka Garadag, Ceel-afweyn, Dararweyne iyo Fiqifuliye, ayaa sheegaya in roobab si weyn loogu diirsaday ay ka de’een degaamadaas, kuwaasi oo aan wax dhibaato ah u gaysan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaas, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta iyo maamulka deegaanadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud Wahabi oo aanu la xidhiidhnay ayaa isgu dhankiisa noo sheegay in magaalo madaxda Badhan iyo deegaamada ku dhow ay siweyn loogu qabowsaday ay ka de’een waxaana uu ka dhawaajiyey inaan wax dhibaato ah aanay gaysan Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay degmooyinka Xingalool, iyo Dhahar iyo deegamada hoos yimaada ay roobabku si weyn u maasheeyeen waxaana uu gudoomiyuhu tilamaamay in abaartii ay ka jabtay.

Gobolka Sanaag ayaa inta badan ku xidhan gobolka Togdheer iyadoo uu hakad galay isu socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolka Togdheer iyo Sanaag oo intabadan uu uga yimaadaan raashinka waxaana uu sidoo kale gobolkan xidhiidh ganacsi la leeyahay dhinac maamul goboleedka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee roobabkan ayaa guud ahaanba maasheeyey gobolka Sanaag.

saraaf
ceerigaabo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com