Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xagdarada uu ku xidhan yahay Mujaahdi Qawrax Muse Xuseen


Xagdarada uu ku xidhan yahay Mujaahdi Qawrax Muse Xuseen

Ku: Dhammaan Salaadiinta,Boqorada iyo Odayaasha dhaqanka ee Beesha sharafta leh ee Madaxweynaha

Taariikh: June 1st , 2011

Ku: Dhammaan Salaadiinta,Boqorada iyo Odayaasha dhaqanka ee Beesha sharafta leh ee Madaxweynaha

Ku: Dhammaan Cuqaasha ,Aqoon yahanka iyo wax Garadka Beesha sharafta leh ee Madaxweynaha

Ku: Dhamman Qurba jooga sharafta leh ee Beesha Madaxweynaha

cc: Madaxweynaha Somaliland ,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Ujeedo: War galin cadaalad darrada uu u xidhan yahay Mujaahdi Qawrax Muse Xuseen

Anigoo ku hadlaya magacayga Eng. Maxamed Cali Muse iyo ka dhammaan Beesha ballaadhan
ee degaankeedu yahay Tog-Wajaale, Xudunta Ganacsiga Somaliland,waxaan walaalayaal naga guddoontaan
salaanta islaamka,Salaama Calaykum waraxamtu laahi wabarakaatu.

Waxaan idinku war galinaynaa , in Bishii March 3,2011 , Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Hargeysa,soo saa
artay qoraal cadaynaya in aan wax danbi ah aan lagu haysan Mujaahid Qawrax Muse , xoriyadiisana loo soo celiyo.

Tix raacii Maxkamada:

Ref: Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa

MRH/124/2011/ ee ku taariikhaysan Date:03/03/2011

Ku: Xafiiska Xeer Illaalinta Guud ee Gobolka Hargeysa

Waxaa xigtay , Bishii April 25 ,2011, waxaanu qoraal u gudbinay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , kana codsannay in muwaadinkaasi cadaalad helo , oo haddii Maxkamadii
cadaysay in aan wax danbi ah oo loo haystaa jirin,in xoriyadiisa loo soo celiyo.

Tix raacii qoraalka:

http://www.longlivesomaliland.com/Mujaahid%20Qawrax%20Muuse%20Xuseen%20oo%20caddaalad%20darro%20u%20xidhan.htm

Mujaahid Qawrax Muse, wuxuu in ka badan 5 bilkood (150 cisho ) , uu sabab la’aan god madaw ugu jiraa cadaalad darro ,reerkiisii iyo caruurtiisiina laga dhigay Aabo la’aan, isagoon wax danbi ah oo lagu xakumay aanay jirin.Sidaan warkiisa ku haynana, waxaa aad looga dayrinayaa xaaladiisa caafimaad , una baahan in daryeel caafimaad lala gaadho.

Walaalayaal,arrinkan Madaxweynaheenii waanu gaadhsiinay sidaan kor ku soo xusnay, idinkana maanta oo Bishu tahay, June 1st , 2011 , ayaanu idinku war gelinaynaa, waxaanan idiinka fadhinaa saddex arrimood:

1- Waa in si deg deg ah Mujaahid Qawrax Muse, xoriyadiisa loogu soo celiyo,
si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo,oo aanu xabsiga ugu dhiman darxumo iyo
cadaalad darro awgeed.

2- Waa in Mujaahid Mujaahid Qawrax Muse, laga raali geliyaa xaq darradaa uu mudada dheer u xidhnaa

3- Waa in Mujaahid Mujaahid Qawrax Muse , mudadii uu xaq darada ku xidhnaa,ee laga hor joogsaday inuu reerkiisa
iyo caruurtiisa u soo shaqeeyo,loo gudo ,wax caqli gal ahnna la siiyo.

Midnna yaan laga tagin ee ha la ogaado, Rag gogoshii waa cadaalad,haddii cadaalad la waayana,nabadeenii,
walaaltinamadeenii iyo wadajirkeenii , ayaa cadawaga Somaliland ka faaiidaysan doonaa.Waxaan Allaha weyn ka baryaynaa inuu dhammaanteen xaqa inna garan siiyo ,kheyr iyo wanaagnna inoogu soo af jarro,Aamiin.

FG: Fadlan wixii loo baahdo,aniga igala soo xidhiidha emailka hoos ku qoran

Af Hayeenka Beesha Degaanka Tog-Wajaale

Eng. Mohamed Ali Muse
Email:Mohamed.a.muse@Gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com