Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

QAAR KAMIDA DHALINYARADDA IYO WAXGARADKA GOBOLKA TOGDHEER OO WASIIRKA MACDANTA KU EEDEEYAY EEX IYO MUSUQMAASUQ

Dhallinyarada iyo waxgaradka kasoo jeedaa deegaannada  Xagal, Balli-dhiig iyo Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, ayaa eedo culus ujeediyey wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland,  Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxana ay sheegeen inuu deegaannada ay kasoo jeedaan kula kacay eed iyo kala qoqobid dhinaca shaqaalaysiinta deegaannada shidaalka laga sahaminayo.
Dhallinyaradan oo warbaahinta la hadlay, ayaa wasiirka macdanta uga digay inuu deegaankooda wax baadhitaan ah ka sameeyo inta ay taagan tahay tabashadoodu, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inuu wasiirku quudhsi kula kacay oo uu jawaab qancisa ka siin waayey cabashooyin ay ula tageen.
waxgrd

Waxa ay Dhallinyaradani shaaca ka qaadeen inuu wasiirk Macdantu wax is-daba marin bilaabay ka hor inta aan wax shidaal ah la helin, iyaga oo intaas ku daray inay taasi keeni karto in shicibku mar kale diido baadhitaannadaas, sidii hore ugu dhacday shirkaddii Genel Energy oo hore murankan oo kale dalka uga baxday,“Nigeria uunbaanu ka maqli jirney musuqmaasuq baa ka jira, maanta inaga oo aan shidaalba lasoo bixin buu musuqmaasuqii bilaabmay, wasiirka waxanu leenahay waxa aad ku fadhidaa waa annaga, shidaal baa lasoo saarayaana shaqayn mayso oo sidii maalintii hore loo kala tegay baa loo kala tegayaa” ayuu yidhi mid kamid ah dhallinyaradaas oo warbaahinta la hadlay.

Ma aha deegaannada Dhoqoshay iyo Balli-dhiig oo kali ah meelaha dadka ku dhaqani ka cabanayaan wasiirka Macdanta, balse deegaanno badan oo gobolka Saraar kamid yahay, ayaa dadweynaha ku dhaqani sheeganayaan inuu wasiirku wax-qabad la’aan iyo quudhsi iskugu daray, waxana soo kordhaya cabashooyinka laga tirsanayo isku dayada uu wasiirku ku doonayo inuu sahamin shidaal ku sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com