Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulaha Guud Ee Shirkadda Dahabshiil Waa Ganacsadaha Ugu Marti-qaadka badan Somaliland Shirarka Caalamiga AH

Hargeysa(MAANTASOMALILAND.) Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa ah masuulka ugu marti qaadka badan shirarka caalamiga ah,lagu qiimeeyo aaminaada ganacsiga wadamada soo koraayo sidii loo dardar-gelin lahaa lacagaha ay dadku isku xawilaan.

Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid
Shirkan caalamiga ah ee uu nasiibka u helay ka qayb galkooda maamulaha shirkadda Dahabshiil Group waxa ay soo dhawayn karaan ictiraafka iyo aqoonsiga ay Dawaladda Somaliland ka rabto beesha caalamka
Sidoo kale waxay Shirkadani shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan ku mutaysatay adaageyada hufana ee ay bulshada u qabato kaga heshay Wadamadda dunidda oo aad ula dhacay heerka iyo nidaamka Shirkadani u shaqayso iyo sidda ay qayb laxaad leh uga qaadatay dhaqaalaha wadamada dunida sida Yurub, America iyo Africa.
Hadaba Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, ayaa marar badan khudbado kala duwan oo taabanaysa fursadaha iyo maaraynta adeegyada dhaqaale ee dalalka soo koraya ka jeediyay jaamacadaha culuunta dhaqaalaha ee.
waxa shirkadda Dahabshiil Group si gaar ah loogu marti qaaday Shir-madaxeedka Banigaga Horumarinta Afrika ee sannadkii 2012-kii kaas oo mudo laba cisho ah uga socday magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kana qaybgaleen inta badan madaxda waddamada Afrika, shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga iyo kuwa caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Dahabshiil oo lagu casuumay Maamulaheeda Guud Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid,
waxaanna intii shirkaasi socday lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin qorshayaasha miisaaniyaddaha, maalgelinta, furfurnaanta ganacsiga qaaradda iyo waxyaabaha kor loogu qaadi karo iyo dhaqaalo-yamxeerida, iyadoo laga duulayo dhibaatooyinka dhaqaale-xumada adduunyada ka taagan. Waxa kale oo lagu lafoguray saamaynta nabadda, cuntada, abaaraha iyo tiknolajiga.
Khudbaddii uu halkaasi ka jeediyey Cabdirashiid Dahabshiil waxaa uu ka warramay isla markaas talooyin ka siiyay dadkii dhageysanayey in la aqoonsado horumarka muhiimka ah ee laga samaynayo sidii loo kordhin lahaa degganaansho dhaqaale dalalka soo koraya, isaga oo dhinaca kalena dooddiisa kaga hadlay isbarbardhigga heerarka degganaanshaha qaybo ballaadhan oo ka jira dhulka ay degaan dadka Soomaalida ah – Isaga oo tusaale u soo qaadanaya koboca ganacsiga iyo wershadaha iyo weliba horumarka dhinaca waxbarashada iyo fursadaha shaqo-abuurista.
Hadaba halkan ka akhriso qaar ka mida Shirarkan caalamiga ah ee uu ka qayb galay Maamulaha Guud ee ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, iyo nuxuradda ama faa’iidada ay u leeyihiin dal,dadba iyo waliba kaalinta ay ku yeelan karaan qadiyadda aqoonsiga Somaliland
Maamulaha Guud ee ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa shir caalami ah oo lagaga hadlayey horumarinta dhaqaalaha iyo shirkadaha ee waddamada Afrika kaga qeybgalay magaalad London, iyada oo shirkaddu ahayd tan keliya ee Soomaali ah.
Hadafka shirkaasi isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxa na martiqaaday dawlado waaweyn oo Yurub ku yaala ay ka mid yihiin Ingiriiska, iyo Maraykanka, waxa kaloo la martiqaaday bangiyada dhexe ee wadamo badan oo Afrika ah, marka laga bilaabo Nigeria, Uganda, iyo wadamo badan oo geeska Afrika ah. Shirku runtii, shir caalami ah ayuu ahaa oo loogu talogalay in la fahmo lacagaha dadku ay diraan, dadka ajanabiga ah ee wadamadan degan ee Afrika u dira iyo kuwa Afrika gudaheedaba isaga dira.
Sidoo kale waxa Maamulaha Dahabshiil Group oo loo Xulay Kontonka Qof ee Afrika ugu Saamaynta Badan
Warbixin sannadle ah oo Wargeyska The African Report oo ka mid ah kuwa ugu caansan Afrika ku qiimayso dadka ugu saamaynta badan qaaradda, ayaa markii u horreysay lagu daray qof Soomaali ah 50 shakhsi oo la soo xulay, kaas oo noqday Maamulaha guud ee Shirkaddaha Dabashiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.
Warbixintan oo ay diyaariyaan dad khubaro ah oo qiimeeya dadka ugu saamaynta qaaradda Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, ayaa Maareeyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil lagaga daray kaalinta afraad, iyadoo kaalinta kowaad uu galay Marc Ona Essangui oo u dhashay waddanka Gabon, halka booska labaadna uu galay El-Chassem Wane oo u dhashay Mauritania.
Haddaba, Warbixinta oo soo bandhigay sababaha maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Saciid ugu ku guulaystay inuu ka mid noqdo 50-ka qof ee ugu saamaynta badan Afrika, waxa u qornayd sidan;
Shirkadaha Dahabshiil Group, gaar ahaan Shirkadda Xawaaladda waxa la ogsoon yahay inay saamiga u badan ka xawisho xaddi lacageed oo lagu qiyaasay ilaa hal bilyan iyo afar boqol oo malyuun (US$1.5 billion) oo dibedaha looga soo diro Soomaalida.
Shirkadaha Dahabshiil Group waxay ku talo jiraan inay baan casri ah oo si buuxda u shaqeeya dhowaan albaabada uga furto Hargeysa.
Maareeyaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Ducaale, ayaa ka qaybgalay kulan ay soo qanabqaabisay Jaamacadda SOAS (School Of African and Oriental Studies) ee magaalada London oo lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan sida lacagaha la diro qayb uga qaataan adeega bulshada.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda SOAS horraantii sannadkan oo ah ta ugu caansan ee bixisa culuun iyo cilmi-baadhis la xidhiidha qaaradda Afrika, waxa ka qaybgalay aqoonyahanno, macallimiin iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda iyo martisharaf kale, waxa lagu shaaciyey cilmi-baadhis jaamacaddaasi ku samaysay lacagaha la diro iyo kaalinta shirkada Dahabshiil ku leedahay.
Drs. Laura Hammond oo ah macallimad duruus ka bixisa Jaamacadda SOAS ayaa sheegtay in lacagaha shirkada Dahabshiil dirto kaalin weyn kaga jiraan adeega bulshada Soomaalida, “Waan ku faraxsanahay inaannu ku casuunno Mr. Cabdirashiid M. Siciid oo nala wadaago khibarada shirkadoodu u leedahay la shaqaynta Soomaalida. Macluumaadkiisu wax wayn ayey ku kordhin doonaan daraasada aannu wadnay,” ayey tidhi Drs. Laura.
Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid M. Ducaale oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Jaamacadda SOAS in ay shirkadda Dahabshiil ku casuunto daraasad ay ku samaynayeen kaalinta lacagaha la diro u leeyahiin dadka Soomaaliyeed oo ka faa’iidaystaan malaayiin dacallada dunida ku kala nool, “Siminaarkan jaamacadda SOAS waa markii ugu horreysay ee ay daraasad ku sameeyaan lacagaha dadka Soomaalidu dalka gudihiisa ama dibadiisa ka diraan. Lacagtaa oo si weyna u caawisa dadkeena,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.
Dhanka kale waxa uu maareeyaha ka qayb-gashay shir Caalami ah oo ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isla markaasna lagaga hadlayay kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda.
Shirkan oo ay soo agaasintay hey’adda horumarinta beeraha ee IFAD, isla markaasna lagaga hadlay kaalinta qurbe-joogta dunidu ka qaadan karaan maal-gashiga dalalkooda iyo horumarinta beeraha iyo reer-miyiga.

Geesta kale maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil waxa si gaara loogu marti qaaday Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Afrika(African Development Bank), kaas oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta qaaradda.
Maamulaha Guud ee shirkaddaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo shirka ka jeediyey khubad ka tarjumaysa martiqaadka loo fidiyey oo ahaa lacagaha Afrika looga soo xawillo dibadaha, kadib ay noqotay shirkadda ugu baallaadhan ee ka shaqaysa xawillaada lacagta Afrika ka hesho qaaradaha kale ee adduunka, isla markaana la qiimeeyey baaxadda waddamada ay ka shaqayso iyo weliba ammaanada iyo adeegga wanaagsan ee ay bixiso.
MAANTASOMALILAND
HARGAYSA OFFICE
XUSEEN XARBI
TEL/25224052413
25279111167
HARBI_31@HOTMAIL.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com