Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Masuuliyiin Ka Kala Socda Somaliland iyo Itoobiya Oo Maanta Shir Balaadhani Uga Furmay Hotel Ambsador Ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(MSL)Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si rasmi ah u furay isaga oo ugu horaynba hadalkiisa ku soo dhaweeyay waftigii ka socday dalka Itoobiya,sheegayna in shirkan ay labada Dawladood kaga Wada hadlayaan Arrimo ay ugu muhiimsan yahiin, Dhinacyada iskaashiga Ganacsiga iyo Amaanku oo lagu lafaguridoono labada cisho ee uu socondoono kulankani iyo Arrimo badan oo kale.

Waxa isna halkaa ka hadlay masuul ka tirsan Waftiga Itoobiya oo ka mahad celiyay sida balaadhan ee loogu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Shirkan ayaa waxa ka qaybgalaya Wasiiro, Agaasiimayaal iyo Maareeyayaal ka kala socda labada Wadan oo lafilayo inay ka soo saaraan Heshiis ka balaadhan kii hore uga dhaxeeyay labada Maamul ee Somaliland iyo Itoobiya, Shirkan ayaa daba socda mid hore ay ugu yeesheen labada dhinac dhamaadkii sanadkii hore oo ka dhcay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ,waxa kale oo wax ka badel lagu samaynayaa heshiisyo hore ay ugaleen Somaliland iyo Itoobiya sanadihii 2002dii iyo 2005tii.

Dalka Itoobiya oo aan lahayn Bad ,dadkiisuna aad u badan yihiin ayaa si aada u danaynaya inay wax kala soo dagaan Dekeda Berbera ,laakiinse caqabada ugu balaadhan ee hortaagan hawshaas ayaa ah Waddo xumaan ,iyada oo labada dhinac dhawr-goor sheegeen in la samaynayo Waddo isku xidha Wajaalle iyo Berbera taas oo hada wax ka suuro galay aanu jirin.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com