Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tiro lagu Qiyaasay lix qof oo tahriibayaal ah oo ku geeriyooday doon ay saarnaayeen ooku qarqantay xeebaha dalka talyaaniga

(maantasomaliland)- tiro lagu qiyaasay lix qof oo tahriibayaal ah oo ka mid ah tahriibayaal ku safraayay doon ayaa lagu soo waramayaa inay dhinteen ka dib markii doontii ay saarnaayeen ay kula qaraqantay xeebaha wadanka Talyaaniga, halka tahriibayaal kale oo doontan saarnaa oo aan tiradooda la cayimina ay soo samata bixiyeen doonyo ay leeyihiin ciidamadda Talyaaniga oo u
gurmaday doontaa degtay iyaga oo qarka u saaran inay haligmaan.

Tahriibayaasha dhintay iyo kuwa la badbaadiyay ayaa la sheegay inay dhalashadoodu isugu jirto Soomaali iyo Eriteriyaan, waxaana lagu soo waramayaa inay doontan ay ku safrayeen ay ka soo shiraaqatay xeebaha dalka Liibiya iyaga oo yoolkoodu ahaa inay soo gaadhaan xeebaha dalka Talyaaniga.

Lixdan Muhaajiriinta eek u dhintay doontan degtay illaa iyo hada lama xaqiijin dalalka ay u kala dhasheen iyo magacyadooda toona, waxaanay doontan degtay ku soo beegantay maalmo yar ka hor markii tahriibayaal doonayay inay gaadhaan dalka Talyaaniga ay ay qaar ka mid ahi ay ku naf waayeen xeebaha u dhexeeya biyaha badda ee Afrika iyo Yurub halka kuwo kalena uu badbaadiyay markab ganacsi oo halkaas marayay halka doontani ku cilladawday.

Dhimashada tahriibayaashan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay Qaramada Midoobay sheegtay in sannadkan oo keliya ay gaareen xeebaha dalka Talyaaniga Todoba Kun Iyo Siddeed Boqol oo tahriibayaal ah, kuwaas oo ka shiraaqday xeebaha dalalka Afrika.

Jimciyadda Qaruumaha ka dhexaysa ayaa bayaamisay in sannadkii hore ee aynu soo dhaafnay ee 2012-ka ay ku qaraqmeen kuna naf waayeen xeebaha biyaha badda ee u dhexeeya qaaraddaha Afrika iyo Europe inay tiradoodu kor u dhaaftay in ka badan Shan Boqol oo Tahriibe oo isugu jira Rag iyo dumar megangelyo doon ahaa oo sijiyaddo kala duwan leh oo ay ku jiraan Tahriibayaal muhaajiriin ah oo Soomaali ah.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com