Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa gaashaanka ku dhuftay oo meesha ka saaray in dabkii ka holcay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee JOMO KENEYATTA, aanu ahayn fal aragagaxiso,

(maantasomaliland) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa gaashaanka ku dhuftay oo meesha ka saaray in dabkii ka holcay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee JOMO KENEYATTA, aanu ahayn fal aragagaxiso, sidaana waxa ku sheegay booqasho uu ku tagay garoonka diyaaradaha ee dabku qabsaday, waxaanu tibaaxay in amaanka garoonku uu yahay mid sugan oo si weyn la isugu halayn karo isla markaana si weyn loo sii adakayn doono

Madaxweynaha dalka Kenya waxa uu xusay in natiijooyinka hordhaca ah ee ka soo baxaya baadhitaanada la wadaa ay muujinayaan in khasaarihii ballaadhnaa ee dabkani uu
geystay ay ka bilaabmeen dab aad u yar oo illi ma qabatay ah, waxaana si wadajir ah baadhitaano u wada ciidamo ka tirsan sirdoonka Maraykanka Iyo Yuhuudda iyo kuwa dalka Kenya.

Dhinaca kale, todoba askari oo ka tirsan ciidamadda booliska Kenya oo uu ku jiro sarkaal ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhac iyo xatooyo ay kula kaceen dadkii rakaabka ahaa ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi xilligii uu dabku qabsaday garoonka, waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo taagi doobo askartaa maxkamad

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com