Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Ruushka in uu noqon karo mid sii shaqayn kara mustaqbalka

https://www.facebook.com/pages/Maanta-Somaliland/213260892021454?ref=hl

Washington(maantasomaliland) Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Ruushka in uu noqon karo mid sii shaqayn kara mustaqbalka.

Madaxwayne Obama Waxaa uu cambaareeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo uu ku sheegay inuu u fakarayo sidii berigii dagaalka qabaw.

Obama ayaa ku eedeeyay Putin inuu caqabad ku yahay in horumar laga gaadho arrimaha waaweyn ee u dhexeeya labada dal oo uu ugu horeeyo ninka dusiyey sirta maraykanka ee Snowden,Maraykanka ayaa ka cadhooday magangelyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden, oo ah ninkii kashifay barnaamij sir ahaa oo Maraynkanku ku dabagalayeen malaayiin ruux oo dunida ku kala nool.

Barnaamijkaas ayaa lagu dhagaysanayay telefoonada, waxaa kale oo loo adeegsanayay in lagula socdo farriimaha internet-ka ee malaayin ruux oo ku nool dunida dacaladeeda.

Madaxweyne Obama ayaa joojiyay booqasha uu ku tegi lahaa dalka Ruushka kaddib go’aanka Ruushaku ay magangelya ku siiyeen Edward Snowden,iyo waliba arrimaha dalka suuriya.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com