Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Abigail iyo Brittany Hensel waa laba hablood oo ah mataanihii isku yaallay ee inta la og yahay dunida ka badbaaday in ay saqiiraan ama geeriyoodaan xilli yar uun dhalashada kadib, waxay dhasheen iyaga oo leh jidh isku yaal, balse leh laba madax, laba wadne,

http://www.youtube.com/watch?v=DB_oQti2i4k#at=18

Oslo(maantasomaliland) Abigail iyo Brittany Hensel waa laba hablood oo ah mataanihii isku yaallay ee inta la og yahay dunida ka badbaaday in ay saqiiraan ama geeriyoodaan xilli yar uun dhalashada kadib, waxay dhasheen iyaga oo leh jidh isku yaal, balse leh laba madax, laba wadne, laba lugood iyo laba gacmood. Waxaana ay hawl-wadeenada caafimaadku sheegeen in 30 kii milyan ee ah mataanaha noocan oo kale ah, uu mid uun ka badbaado dhimasho ku timaada wakhti kooban oo ah dhalashada dabadeed.

Waa arin cibro qaadasho ugu filan bani aadamka, qof walba oo la kulmana maskaxdiisa ku reebaysa su’aalo ku arooraya sida ilaahay u abuuray hablahaas. Waxay ku nool yihiin dalka Mareykanka, iyada oo ay xilligan da’doodu kor u dhaaftay da’dii qaangaadhka.

Arimihii ugu xiisaha badnaa ee su’aashu ka timi waxay ahayd markii hablahaa mataanaha ahi ay damceen in ay qaataan liisanka wadida gaadiidka, isla markaana laga dooday in laga qaado laba imtixaan maadaama ay leeyiihiin laba madax oo mid waliba garashadiisa iyo fikradiisa gaarka ah leeyahay. Mar ay mataanahaaasi ka waramayeen dhibaatada ka haysata isla qaadashada ficilka ama hawsha ay qabanayaan, waxay mid waliba tidhi waxa aan jecellahay in waxa maankayga ku jira uu ku dhaqaaqo jidhkayagu.

Haddaba, waxa aanu halkan hoose idiinku soo gudbineynaa Filim laga diyaariyey sooyaalkii nolosha labadaa hablood ee mataanaha isku yaalla ah ee daawasho haboon:

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com