Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hayadda Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn Ee MSF Oo Maanta Ku Dhawaaqday In Ay Shaqaalaheedii Kala Baxday Somaliya Iyo Magalada Burco Oo Ay Kala Mid Dhigtay Dalka Somaliya

422Hargeysa(maantasomaliland):- Haayada Dhakhatiirta Aan Xuduudka Lahayn Ee MSF Belguim ayaa Shaqaaleheedii Ajaanibka ahaa ee ku sugnaa gudaha somaliya kala baxday dhamaan shaqaalaheedii ku sugnaa mudada 22 sano ah, madaxa ugu sareeya hay,addan oo maanta shirjara,id ku qabtay magalada Nairobi ayaa sheegay in ay maanta shaqaalaheedii ka gurtay somaliya in kasta oo ay somaliya ka jirto xaalado amaandaro hadana waxa la sheegay in cusbitaalak Magaaladda Burco kala baxday shaqaalaheedii ,waxaana goor dhoweyd loo daad gureeyay Magaaladda Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Togdheer ayadoo ay sheegeen in saaka lagu wargaliyey in ay baxayso hay,addan dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn.
Isu duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Togdheer DR: Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan ayaa Sheegay innay dhamaan Shaqaalihii Ajnabiga ahaa ee Isbitaalka ka howlgalaya la dhoofiyayisla markaasna la geeyay Magalada Nairobi.
Haayada MSF oo iyadu gacanta ku haysay Cisbitaalka wayn ee magalada burco ayaa wakhtii ay gacanta ku haysay maamulka cisbitalkaasi waxay wax badan ka badashay qaababka kale duwan ee uu cisbitalkaasi u shaqeeyo waxaanay hayadani ku gulaystay in gabi ahaanba Qaliinada,dawooyinka iyo adeegyada kale duwan ee ay u baahan yihiin dadka bukaan jiifka ah ee ay noqdaan kuwo lacag la-aan ah oo bilaash ah.
Dhinaca kale masuuliyiinta Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hada wax hadal ah ka soo saarin bixitaanka ay hay,adda MSF shaqaaleheeda kala baxday Gobolka Togdheer oo ay kala mid dhigtay maanta hay,addu somaliya oo ay ka jirto mudo 23 labaatan sano ah xaalad dagaal iyo colaado faraha ka baxay laakiin waxa aan ilaa iyo hada cadayn sababta keentay in ay magalada Burco oo amaankeedu buuxo ay maanta MSF uga baxday.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com