Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mucaarid hawshiisa garanaya dalku waa u baahan yahay!!!

Cabdilaahi-John4-300x220maantasomaliland)Macnaha iyo mihnadda mucaaridnimo, qeexitaanno, dariiqiyo iyo asluub cad oo laysla yaqaanno ayey leedahay, asluubtaasi hufan iyo dariiqyadaasi oo ah horumarka iyo dhisitaanka dalka iyo dadka ee labadda dhinaca Mucaaridku ku saxaayo, Muxaafidka guradda ku jira, qaab xalaala ama lagu ilaalinaayo hadafka iyo himiladda dowladnimo iyo ku joogitaanka hanaanka hufan ama wadadda ama nidaamka aynu jeexanay oo dastuurka iyo sharciyadda wadanku si waafiya u qeexayso, si aan hantaaqo iyo habayac guud oo maamul u dhicin marnaba, isla markaasina loo ogaaddo inay jirto cid kagga sii lexejecelo iyo jacayl badan oo garabkaagga taagan hadh iyo habeen, isla markaasina u taagan saxidda iyo samatabixinta Qaranka iyo qoomiyadiisa isku cindan ee midna la’a.

Hadaba, akhristoow doorka iyo daryeelka Qaran waa mid mucaaridka looga baahanyahay inay door weyn ka qaataan had iyo jeer horumarka dalkoodda, oo ay ku leeyahiin mucaarid ahaan qayb libaax oo sinaba aan loogga maarmi karin had iyo jeer, haseyeeshee arinta mucaaridnimo waa hal aragti iyo hal ujeeddo oo ku milan midda guud ee muxaafidka, laakiin daahfuraysa in qaab iyo barmaamuj ka muxaafidka ka sii fiican ama ka qurux badan in mucaaridku hayo, oo hab tabliiqayn iyo taageero raadina shacabka ula dhex rooraan si loo hello taageero iyo kalsooni weyn oo shacabku ku taageero qorshaha suuban ee mucaaridka haddiiba uu yahay mid lagu guuri karo oo dalka iyo dadka gaadhsiin kara halka maanta uu ku suganyahay ee muxaafidku keenay meel ka sii tayo iyo tamar wanaagsan, oo barwaaqo iyo horukac weyn keenaysa Qaran ahaan iyo qoomiyad ahaanba.

Arintu agab iyo aqoon ayey u baahantahaye, uma baahna ku mud iyo ka xanaajin xumaan mooyaane aan xanaano iyo xilkasnimo Qaran keenayn marnaba, waxaynu u baahanahay aqoon korodhsi iyo inaan samayno raad raac iyo min guuris qaab mucaaradeedka caalamka horumarka ku abuuro ama lagu dhiirigeliyo ruqaansigga iyo horukac danta u heegankaa ee ah mucaaridadda qaan gaadhkaa ee wax dhisaysa, isla markaasina muxaafid iyo mucaarid beretanka loogu jiro maamul wanaagga, horumarka iyo siyaasadda hufan ee dalka iyo dadku ku liibaani karo. Bal garoo, Mucaaridka waxaa loogga baahanyahay barashadda mabda mucaaridad iyo heerarka ay leedahay oo kala saafaaya maxaad xaq u leedahay iyo maxaanad caq u lahayn? Waa mahiim inta aanad iska qaylin inaad gar naqsato, oo is weydiiso ma saxbaa mise waa khalad waxaad falaysaa? Waxaanna loo baahanyahay in qodobo iyo qaynuun asaasiya loo adaagsaddo qaabka mucaaridnimo iyo qayladda ummadda gaadheysa oo jawaabo iyo faaqidaad kala duwan lagga bixin doonno hadhow, marka ay afkaagga soo weydaarato ee ummadda ay soo gaadho dhegahoodda, taasi oo sedbursi iyo sedla’aan laba miduun kuu safrin doonta, oo mararka qaar hanaankaagga Siyaasigga waxo dumin karta ama naafayn karta, calashaan daaq geynta tiraabka mucaaridadeed iyo ilaalinta danaha Qaranka oo aad ka horaysiiso kuwa shaqsiggaa ama kuwa beeshaadda oo Ummaddu markay ku akhriddo ayna dhankaagga dib u soo jaleeci doonin Siyaasiyan, ileen adagga ayaa is kashifay oo hankaaggii iyo haybadaaddii Siyaasigga ahayd hog ku ridaye.

Hadaba, Qoraaggu wuxuu soo dhoweynayaa in Qarankani yeesho mucaarid adag oo horumarka dalka iyo dadka ka qayb qaata, si hadafkeenna iyo haybadeenna Qarannimo u noqoto mid quwiya oo maalin walba aan ku dadaalo qaabkii aynu wax ugu kordhin lahayn dalka, ee aan noqon mid wax dalka iyo dadka maalin walba ka ridda oo burbur iyo baaxadsoore inagu hogaamiya.

Waxuu qoraaggu aad u dhaliilsanahay qaabka mucaaridadeed ee dalku ku suganyahay oo ay runtii muuqanayso in kaalintaasi banan tahay oo ayna jirinba qaab ama qorshe mucaridadeed oo asaasiya, arintaasi oo masuuliyad daradeedda iyo canaanteedda ay leeyahiin kuwa mucaaridka sheeganaya ee hadana aan aqoon qaabka iyo qeexitaanka mucaaridnimo. Dhinaca kale mucaaridad maha qorshe iyo qaynuun u yaalaanna ma jiro ninkii aan Xisbi mucaaridda ka tirsanayn oo gegi cidlaa dowladda iyo nidaamkeedda ka dhaliilaaya isaggoo aan sharciyad u haysan hanaanka uu raacaayo oo sharciyan xaaraanna, waayo kuma abtirsaddo Xisbi mucaaridda mana waafajin dastuurka iyo sharciyadda midna heerkiisa iyo hami beenaadkiisa heedadoowgaa. Halka Xukumadda iyo Muxaafidka laftiisa ay dan u tahay, in nidaamka iyo qaabka mucaaridnimo shaqeeyo oo si hufan hawlahoodda qaab dastuuriya u qabsadaan, haddii kale oo mucaaridkii baaba,o waxa loogga gudbayaa waa in dhinacna loo socon waayo oo geesaha laysla gallo, isla markaasina waxii halkaasi loo dhaafaa noqoto muran Siyaasiya oo dalka iyo dadka dib u dhac iyo burbur geliya.

Dalku inuu helaa mucaarid hawshiisa garanayaa aad ayey mahiim u tahay, si aan isula garabsanno hawlaha Qaranka ee Mucaarid iyo muxaafidba leh, taasi oo dabcan hal ujeeddo iyo hal ragti oo ah ilaalinta iyo horumarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo qudha ah, laakiin lagu kala duwanyahay qaabka Siyaasiggaa ee dalkan wax loogu qabanaayo ama ummadda lagu tayeynaayo qaad maamul iyo hogaamineed. Haddii aan qaabkaasi ka baaqsanno oo hawlahu ayna doorkaasi xortaa iyo xalaashaa marin, waxay ila tahay in muranka iyo sharcidaraddu noqon doonaan Baliyo iyo Baraaggo ay ku dabaashaan kuwa aan Siyaasadda iyo nidaamkeedda waxba ka aqoon ee qayladda, hanjebaadda, weerarka iyo dagaalka beentaa isla soo muxutaa ku dabaal bartaan. Halka lagga eegaayo Siyaasiyiinta dalku inay badweynta kacsan siddi ay uga dabaalan lahaayeen ee dalkoodda iyo dadkoodaba uga badbaadin lahaayeen masiibooyinka Siyaasiggaa ee dibadda kagagga imanaaya iyo kuwa nin liitaa hadh iyo habeen hantaaqadda iyo suuldaaradda ugu dhigaayo Qaranka iyo geedi socodkiisa hufan ee maalina nin iyo Xisbigiisu ay usha u qaadan, taasi oo cid walba faraysa inay ilaahoodda sugaan iyo Ummadda go,aanka shaqaalaynta iska leh ee hogaanka dalka, nin karaamaysan oo Ummaddu karaamaysay in sifo xiqdi iyo xumaan xanbaarsan loo weeraraa waa khalad iyo khayru dastuuri iyo weliba nidaamka oo indha laga riddo.

Waa lagama maarmaan in la helaa mucaarid bisil oo ku hubaysan aqoon iyo nidaam mucaaridadeed iyo Xukumad lafteeddu mucaaridka xaqsiisa oo aan sifo khaldan madaxa ugaga joogsan, si loo dheelitiro nidaamka dowladnimo oo sal ay u tahay mucaaid adag oo sifo sharci ku dhisan, isla markaasina adeegsanaaya dariiqa xalaashaa ee dastuuriggaa iyo Xukumadda oo siddoo kale ku istaagta dariiq aan qodxaan, jarar iyo qocondho Siyaasiya lahayn oo nidaamka mucaaridnimo geeska ku dooxin, taasi oo dalka guud ahaan gelin karta dib u dhac siyaasiya iyo muran u sahla kuwa yacuunkaa ee Ummadda ka ridoobey inay food saar iyo gabood ka dhigtaan oo shacabka loo sawiro xaaraan iyo xumaan loo soo ekeysiiyey sax iyo samaan.
Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool/UK

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com