Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

maanta ayaa si rasmiya uga furmay magalada Hargeysa bandhiga caalamiga ah ee buugaagta (Hargeysa International Book Fair) kaas oo sanad walba lagu qabto Hargeysa,

Ugu dambaytii waxa goobtaasi maanso aad u xiiso iyo murtiba badnayd ka soo jeediyey Abwaanka caanka ah Alle ha dhawree ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)oo isagu kalmadan so mug leh u qeexay isla markaan qeexay qiimah gabadha soomaliyeed ay leedahay marka laga eegayo dhinaca dhaqanka iyo sida laysugu tixgaliyo

Readsea-online-foundation-150x150maantasomaliland):-Waxa maanta si rasmiya uga furmay magalada Hargeysa bandhiga caalamiga ah ee buugaagta (Hargeysa International Book Fair) kaas oo sanad walba lagu qabto Hargeysa,bandhigan buugaagta oo sanadkii lixaad ee la qabto ay noqonayso waxa lagu soo bandhigaa SONY DSC

Carwadda-buugaagta-2-300x200

SONY DSC

Carwadda-buugaagta-4buugaagta kala duwan oo ay qoreen qorayaasha somaliyeed iyo kuwa dunida kale kuwaas oo ku qoran luuqado kala duwan.Bandhigan sanad walba marka lagu qabto Hargeysa ayaa waxa lagag hadlaa waxyaaba badan oo ku taxaluqa dhinaca qoraalka,suugaanta iyo dhaqanka oo sanad walba lagu soo marti qaado dadka ugu horeeya dhinaca sugaanta iyo hal abuurka,si taasi la mid ahna waxa saaka soo xaadiray madashii ay ka dhacday furtaankii xafladani qoryaal Somali ah oo kala yimid guud ahaan dhulka ay somalidu degto iyo waliga sugaanyahano iyo qorayaal kala socday qaar ka mid ah wadamada qaarada Afrika siiba wadamada Kenya iyo Nigeria,sidoo kalena waxa ka soo qayb-galay wafti ka socday safarada Ingiriiska ee dalka Kenya iyo waliba haldoork suxufiyiinta somalida.

Bandhigan oo socon doona mudo lix cisho ah waxa lagu lafo guridoonaa isbadalada ku yimid hab nololeedka bulshada somalida iyo sidii wax yaabo wax ku ool u ah bulshada iyo dhaqanka loo iftiimin lahaa,ayadoo sanad walba meel diirada la saaro ayaa waxa sanadkan halku dhig looga dhigay SOCDAAAL taas oo mahnaha eraygan oo balaadhan looga dhigan lahaa yool iyo u jeedo.

Ugu dambaytii waxa goobtaasi maanso aad u xiiso iyo murtiba badnayd ka soo jeediyey Abwaanka caanka ah Alle ha dhawree ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)oo isagu kalmadan so mug leh u qeexay isla markaan qeexay qiimah gabadha soomaliyeed ay leedahay marka laga eegayo dhinaca dhaqanka iyo sida laysugu tixgaliyo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com