Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

ciidamada booliska ee qaybta gobalka hawd oo gacanta ku dhigay baabuur mark 2 oo khamri siday

breaking-newsmaantasomaliland):-ciidamada booliska ee gobalka hawd ayaa gacanta ku dhigay gaadhi khamri siday oo marayay tuulada habaas wayn.
gaadhigan oo noociisu ahaa mark2 no 33160 waxaa uu siday khamri dhan 45 dhalo sida uu noo soo cadeeyay wariyahayaga maantasomaliland u jooga goalka hawd caasimadiisa baligubadle .axmed maxamed cawaale waxaanu intaasi ku daray.in dadaal dheer oo ay galeen ciidamada qaybta booliska ee gobalka hawd oo ay hormood ka ahaayeen taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobalka hawd gaashaanle jamaal cabdi shugux iyo taliye ku xigeenka qaybta laba xidigle foosi yuusuf diiriye ay hawl gal balaaadhan ku qabteen khamrigan oo ka soo galy xaga itoobiya kuna qabteen tuulada habaaswayn oo ka tirsan gobalka hawd iyagoo taliyayaashu u mahad celiyay maamulka sare ee ciidanka booliiska oo gacan ka siiyay waxaana baabuurkaasi iyo sadex qof oo maxaabiis oo watay kahmrigan loo soo dhaadhiciyay magaalada hargaysa maanta

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
tel;0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com