Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaar Aad Uxiisa Badneyd Oo Maanta Dhexmartay Xulka Boorama & Xulka Mag. Dikhil Ee Dalka Djibouti

XULKA-BOORAMA-300x162BOORAME (maantasomaliland):–Ciyaartan galabta ku dhex martay garoonka kubada Cagta ee Magaalaa boorama, ciyaaryahanada xulka kubada cagta ee magaalada boorama, iyo xulka dhigooda ah ee magaalada Dikhil ee dalka jibouti waxa ay ahayd mid xiisaheeda wadatay, kana mid ah ciyaaraha saaxiibtinimo ee waqtigan xagaaga ah ka dhaca magaalada Boorama.

Ka horbilawgii ciyaarta ayaa labada tabare ee kooxahan waxa ay ka warameen dareenooda, waxana ay xuseen in mid walba dhankiisa ka rajaynayo guul balaadhan, balse ay ogyihiin ciyaartu tahay mid saaxiibtinimo isla markaana ay ciyaaryahanada ku boorinayaan inay ciyaar walaaltinimo soo bandhigaan

Dadwayne aad u tiro badan oo kala taageerayay labada kooxood oo sacab iyo sawaxan xoogan isla helay ayaa xamaasad gaar ah sii galiyay ciyaarta kana dhigay mid aan bilawgii la saadaalin Karin natiijada ay ku dhamaanayso.

Ciyaartu waxa ay u baalaabatay jawi furfuran, waxana labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar xiiso badan oo ku dhisan baas gaagaaban iyo weerar iyo weerar celis labada dhinacba ah.

Daqiiqadihii dhexe ee ciyaarta ayaa waxa kubad si fiicany isugu soo dhiidhiibeen ciyaartooyda kooxda magaalada Boorama u suura gashay in weerar yahan Cabdi-carabloo uu shabaga la hubsado, kana dhigo natiijadii ciyaarta 1:0.

Inkasta oo ay kooxda magaalada dikhil ee dalka jabuuti wixii intaas ka dambeeyay qaaday weeraro badan oo ay rabtay inay goolka barbaraha ah ku dhaliso, ayaan waxba ka suuroobin, waxaa laf dhuun gashay ku noqday difaaca darbiga ah ee kooxda Boorama.

Dabayaaqadii qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kubad uu weerar yahan Maslax kala baxsaday difaaca reer Dikhil uu shabaga kooxdaasi si dhib yar u daba mariyay, kana dhigay natiijadii ciyaarta ee qaybta koowaad mid lagu kala nastay 2:0.

Qaybtii labaad ee ciyaarta marka lagu soo laabatay ayaa ciyaarta xiisaheedu sii kordhay, waxana ay kooxda Magaalada Dikhil ay soo bandhigtay ciyaar weerar u badan halka ay ciyaaryahanada reer Boorama difaac kaga jireen, waxana 90kii daqiiqo ee loogu talo galay ciyaartu uu ku dhamaaday 2:0 oo ay guusha ku raacday kooxdii Boorama.

Cabdalle Cali Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com