Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay ciidamo xoogan dul-dhigtey degmada Agabar ee Gobolka Gabiley oo maalmaha soo socda uu ka furmayo shirweynaha beelaha Sacad Muuse yeelanaya Xilkii Ka Sikadis Ah Uga Qaaday Gudoomiyihii Tuula Agabar

Dadweynaha ku dhaqan degmada Agabar oo fidiyey go-gosha Shirka Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen Ciidamada ay xukuumadu dul-dhigtey shalay iyo xilka qaadista lama filaanka ah ee lagu sameeyey guddoomiyihii degmadaasi,Waxaanay ku doodeen inay xukuumadu faro-gelin qaawan ku hayso habsami u qabsoomida shirweynahaas oo loo bixiyey HOODAALE.

breaking-news1Hargeysa(maantasomaliland):-Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay ciidamo xoogan dul-dhigtey degmada Agabar ee Gobolka Gabileyoo maalmaha soo socda uu ka furmayo shirweynaha beelaha Sacad Muuse yeelanayaan.

Qaar ka mida dadweynaha ku dhaqan Magaalada Agabar iyo xubnaha guddida qabanqaabinaya shirka beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE ayaa xalay u xaqiijiyey warbaahinta qaarkeed inay xukuumadu dul-dhigtey ciidamo xoogan oo ku hawlan kala daadinta shirweynaha goobtaasi ka qabsoomaya.
Sidoo kale, Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Gabiley iyo ciidan uu watay ayaa soo dul-dagay xalay degmada Agabar ee Gobolka Gabiley, waxaanay dadweynaha deegaankaasi xukuumada ku eedeeyeen inay faro-gelin toos ah ku hayso carqaladeynta qabsoomida shirweynaha beelaha Sacad Muuse oo la filayo inuu maalinta Axada ah ee fooda inagu soo haysa uu halkaasi ka furmo.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Agabar oo fidiyey go-gosha Shirka Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen Ciidamada ay xukuumadu dul-dhigtey shalay iyo xilka qaadista lama filaanka ah ee lagu sameeyey guddoomiyihii degmadaasi,Waxaanay ku doodeen inay xukuumadu faro-gelin qaawan ku hayso habsami u qabsoomida shirweynahaas oo loo bixiyey HOODAALE.

Waxa kale oo ay xuseen in ciidamada la dul-dhigay tahay hadidaad loogu-talagalay in lagu waxyeeleeyo shirka beelaha Sacad Muuse.

Sidoo Kale, Badhasaaabka Gobolka Gabiley Md. Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa xilka ka qaaday shalay guddoomiyihii degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed Dheere), kadib markii sida la sheegayuu amar ku saabsan talaabadaas uu ka helay madaxda sare ee Dawlada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegantey wakhti qaban-qaabada shirweynaha beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE laga dareemayo guud ahaan Somaliland oo lagu sii qul-qulayo degmadaasi si shirka looga qeybgalo, ayey hadana xukuumadu hawlaheeda iska wadataa.

Lama garanayo waxay xukuumadu ka dhex urisay shirweynaha beelaha Sacad Muuse, iyada oo ay hore u jireen beelo shirar noocaan oo kale ah qabsaday,kaas oo ay kaga tashanayaan aayahooda mustaqbal iyo isku xidhnaantooda

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com