Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guushii iyo farxadii shacabka Masar xiligii kacdoonkii lagu riday Madaxwaynihii hore ee Dalkaasi Xusni Mubaarik oo isu bedeshay guul-darro iyo hoog ay ku hoobteen dad badani.

u_107917d_2013-8-15-7-59-50f_M6maantasomaliland):-Guushii iyo farxadii shacabka Masar xiligii kacdoonkii lagu riday Madaxwaynihii hore ee Dalkaasi Xusni Mubaarik oo isu bedeshay guul-darro iyo hoog ay ku hoobteen dad badani.

Guushii uu gaadhay shacabka masar bishii feberweri ee sanadkii 2011 kii marki ay kacdoon shacbi wayne xukunka kaga tureen madaxwayne Xusni Mubaarik xiligaasi oo ay dareemeen farxad iyo raynrayn,waxay hadda isu rogtay arrin ay adag tahay xaqiijinteedu mar kale.

xiligaasi waxay masaaridu dareemeen in ay galeen xili cusub iyo marxalad cusub iyo mustaqbal cusub,arrimahaasi oo dhan waxaa qaloociyay fashilaad ku timid dhinca siyaasadda iyo arrimaha gaarka ah ee dad gaar ihi wataan iyo dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ee soo food saaray dalkaasi.

Sida aynu ka wada war qabno waxaa sidoo kale ka bilaabmay wadammada Carabta qaarkood kacdoonada guga carabta iyadoo ay dhalinyarta Carbeed yihiin qaar raba isbdel dhab ah in uu wadamadooda ka dhaco , dhalinta Carabta ayaa lagu qiyaasaa in ay yihiin %60 marka loo eego tirada shucuubta wadamada carbeed.

Wadanka Masar haddi aan dib ugu soo laabano waxaa ka dib markii madaxwaynihii hore ee Xusni Mubaarik talada lagag tuuray kacdoon dadwayne xilkii wadankaasi la wareegay milteriga wadankaasi kaasi oo soo qaban-qaabiyay dawlad ku meel gaadh ah oo wadanka doorasho ku sinta.

doorashooyin ay ka qayb galeen axsaabta wadankaasi waxaana doorashadii golaha deegaanka ku guulaystay xisbiga al akhwaan al muslimiin,iyadoo uu madaxwayne Maxamed Mursi uu kaga guulaystay raiisal wasaare shafiiq oo xiligi madaxwayne Xusni Mubaarik ahaa raiisal wasaare.

Markii uu madaxwayne mursi ku guulaystay madaxtinimada Masar waxaa u balan qaaday dhalinyaradi kacdoonka dhalisay in uu madaxwayne u noqonaayo masar oo dhan oo uu si siman ugu qaybinaayo kharaadka dalka dhalintana u raadin doono fursado dhinaca shaqooyinka ah.

Laakin taa bedelkeedi waxaa dhacday in akhwaan al muslimiinta oo mudo 80 sanadood ah raadinaayay sidi ay xukunka wadanka gacanta ugu dhigi lahaayeen ayaa gacanta ku dhigay wadanka masar iyo goobihi dhaqalaha oo sidi ay rabeen u maamulay.

Maxamed Mursi ayaa u ekaaday in loo doortay ama loo wakiishay in dalka masar uu ubedelo dawlad islaamiya,hadana iyadoo dadka masar ay yihiin dad muslim ah oo ku dhaqma diinta islaamka may ahayn qaar ku raacsan Mursi fikirkiisaasi,waxaana xaalada Masar sii murgiyay intii uu xukumaayay Maxamed Mursi masar karti yaraantiisa xaga maamulka iyo isaga oo ku fashilmay in uu fuliyo baln qaadyadiisi ahaa in uu wax ka bedeli doono soona noolayn doono dhaqaalaha wadankaasi oo hoos u dhax wayni ku yimid tan bilawgi kacdoonada.

Hadaba tan iyo bishiu juun ee sanadkii hore 2012 waxaa dib ugu soo cusboonaaday wadanka Masar kacdoono shacbi oo hor leh taasi oo mudaaharaado waa wayn ka socdeen tan iyo xiligaasi ilaa hada magaalooyinka Masar mtaasina waxay u fududaysa fursadna u siisay in ciidanka wadanka masar oo awal u maramarsoonaayay maamulka Masar in la afganbiyo uu falkaasi ku kaca kana qaaday madaxtinimadi Mursi loo soo doortay kuna xidhay xabsi guri.

Dhaqdhaqaaqa ay ciidamada masar ku afgambiyeen madaxwayihi wadanka ee la soo doortay waxay ka farxisay shacabka reer masar ee aaan ahayn akhwaanka.

Ciidamadii mileteriga ahaa ee wadanka Masar waxay xukunki ugu wareejiyeen maamul dawlad ku meel gaadh ah,waxay dawladan cusubi ku soo rogtay masar xukun degdeg ah kaasi oo xukuumada u ogolaanaaya in ay adeegsato xoog ku muquunin shacabka iyo cidi ka hortimaada ,waxay ay soo rogtay bando waxaana ay ku dhawaaqday in ay kala erido mudaaharaadayaasha taageerayaasha Mursi arintaasi ku dhinta boqolaal qof kun iyo dheeraadna waa ay ku dhaawacmeen.
Tobanaan ayaa lagu dilay isu soo baxyo jimcaha cadha oo ay taageerayaasha Mursi isugu soo baxeen salaadi jimacaha kadib kuwaasi oo jabiyay bandowgi lagu soo rogay magaalooyinka qaar oo ay ka mid tahay caasimada Masar ee Qaahira.
Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in ay xoog ku galeen masjidka al fatax oo ku yaala barxada al ramsiis kaasi oo ay boqolaal taageerayaasha mursi ay ku gabanayeen.

Waxaana ku dhintay jimcihii 80 qof meelo kala duwan oo wadanka masar ah iska hor imaadyo iyo rabsahado dhexmaray ciidamada amaanka iyo taageerayaasha Maxamed Mursi.

Kooxaha akhwaan al muslimiinta ayaa ku dhawaaqay iyaga oo la hadlaaya taageerayaashooda isusoo baxyo taasi oo ay ku jabinayaan talaabadi xukuumada cusubi ka qaaday dhinaca amaanka ee bandawga lagau soo rogay kaw iyo toban gobol oo Masar ah taasi oo socon doonta mudo bil ah.

Kooxaha akhwaan la muslimiinta ayaa ku adkaysanaaya in lo soo celiyo madaxwayne Maxamed Mursi xilkiisi.
Dhanka kalena waxaa xaalada cakiran ee wadanka Masar ee dhiiga badani ku daatay baaqyo caalami ah ka soo saara madaxwaynaha Maraykanka Baraak Obaama oo ku baaqay in la joojiyo rabshadaha ,sidoo kale waxaa ka hadlay xoghayah guud ee Qaramada Midoobay Baan Kii Moon iyo Midawga reer Yurub ,waxaa kale oo aamusnaan dheer kadiba ka hadlay boqorka Sucuudiga Boqor Cabdala oo sheegay in wadanka masar ay ku garab taagan yihiin la dagaalanka ama xaalada soo waajahday oo uu ku tilmaamay mid lagaga hortagaayo argagixisada,waxaanu sheegay in ay Masar xaq u leedahay in ay ka hortagto argagixisada,waxaanu ugu baaqay wadamada Carabta iyo kuwa islaamkaba in ay garab istaagan Masar waxa uu ku tilmaamay ka hortaga kuwa isku dayaaya in ay khakhal deganaanshaha wadanka Masar.

Sidoo kale waxaa iyana wadamada Carabta ka mid ah ee iclaamiyay in ay Masar garab taagan yihiin wadamada Imaaraadka Carabta iyo Jordan.
Wadamada Khaliijka Carabta ayaa waxay ka cabsi qabaan in ay wadamadooda ku fidaan fikirka akhwaan al muslimiin, wadamada Kuwait iyo Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa u balan qaaday wadanka masar in ay ugu deeqayaan lacag dhan 12 milyaar oo dooraka maraykanka ah,kadib marki ay ciidamada Masar afgambiyeen xukuumada akhwaan al muslimii ee Mursi,kadib kacdoono shacabi oo lagu dalbayay in xukuumada ku meel gaadh ah la sameeyo.

Hadaba tan iyo marki ay ciidamadda wadanka Masar xoog u adeegsadeen xukun ka tuuridi Mursi maalinti arbacadi hore waxaa wadankaasi ka aloosan iska hor imaadyo dhiig badani ku daatay oo boqolaal qof ku dhinteen qaar kale oo badanina u dhawacmeen kuwaasi oou dhexeeya taageerayaashi madaxwanihi Masar Maxamed Mursi iyo ciidamada wadankaasi .

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com