Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa si aad ah u qawaday tiradda badan ee xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo tayadeeda.

cali-gurayHargeysa(maantasomaliland):-Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali
Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa si aad ah u qawaday tiradda badan ee xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo tayadeeda. Waxa uu carabka ku dhuftay in aan looga fadhiyin xukuumaddani in ay wax badan ka qabato baahiyaadka shacabku ay tirsanayaan.
Sidoo kale waxa uu laba u qaybiyay masuuliyiintii dhawaan ku soo baxay Isku shaandhaynta Madaxweynaha kuwaas oo uu qayb ka mid ahi u nisbeeyay in uu ku darsaday Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu jawaab adag ka bixiyay wax qabadkii uu wasiirka Warfaafintu sheegay in ay xukuumadu ku talaabsatay mudadii ay taladda wadanka haysay.

Waxaanu yidhi

Axmed Silanyo wuxu odhan jiray waxan dhisi doonaa dawlad kooban oo tayo leh. Wuxu sameeyay mid konton xubnood ka kooban. Ma odhan karo been buu sheegayay.

Waa xaal gole joog ah. Tirada badan waxa ka daran tayadii ugu saraysay oo noqotay Suul Cawro iyo Cukuse.

Isku shaandhayntan ugu dambaysay waxa samaysmay gole marka sedex loo qaybiyo ay laba tahay colka Xirsi gaab soo gashaday golaha ee isagu iska leeyahay.

Tayadiina waxay noqotay Xirsi iyo colkiisa oo ku xasuusinaya heestii geela:

AARAN TIRO BADAN OO UDUUFO AH OO ALEEMO LEH HADAA ARAGTAAN AAR HA LAAYO EH

AWR XUN BAA DHALAY? Ayuu yidhi
Mar uu ka jawaabayay Khudbad uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelina iyo dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu ka jeediyay furitaanka dayactirka lagu sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa uu yidhi

Bal eeg Cukuse, Maxamed saxafigii iyadoo baqdaad la qabsaday lahaa waanu jebinay xulafadii, ama kuwii Hargeisa oo madfaca iyo dayuuraduhu garaacayaan odhan jiray Stadiumka ayaa kubad lagu ciyaarayaa ama ninkii Hitler u qaabilsanaa Barobogaandada ee Gobls ee ugu dambaystii markii bunker-kii Berlin la isugu soo galay afartii uu dhalay iyo xaaskiisii intu dilay isna is dilay colkaa suu la nooc yahay waxa uu sheego oon been ahayni ma jiraan.

Wuxu yidhi aniga wax qabadka xukuumadda u diyaar ah in la igala doodo.

Kolay Caligurey kuma jiro kuwa uu la doodi karo. Waxaan badka soo dhigayaa waxa aynu 4ta madaxwayne ee ina soo maray ku xasuus naan doono weli ba mid walba waxa eegayaa oo keliya sedexdiisa sanadood ee ugu horeeya, aniga oo cadayna ya in Axmed Silanyo uu yahay kan ugu liita dhamaantood.

Ninka daafacayaa been ha ku daafaco aniga run waxaan ahayni iga reeban? Ayuu Ku Yidhi Bogga Uu Ku Leeyahay Degalka Internetka

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com