Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somali land fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood xaasaasi ka yeesheen

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa (maantasomaliland):-Golaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somali land fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md:C/raxmaan maxamed C/laahi {c/raxman ciro} ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood xaasaasi ka yeesheen Ajandahooda kalfadhiga 22naad oo ay maanta gudo galeen, mudanayaasha Golahaasi ayaa u muuqday inay ku kala ragti duwanaayeen doodoodii maanta iyadoo Mudanayaasha qaarkood ay soo jeediyeen in labanlaabo qorshayaasha lagu yaraynayo shaqo la?aanta lagagana hortagayo Tahriibta ,halka sidoo kalena ay xildhibaanada qaarkood doorbidayeen in kalfadhigan lagaga hadlo xeerka dabogalka iyo dedejinta diiwaangalinta doorashooyinka soo socda .

dhinaca kale xildhibaanadii saaka golahaasi soo xaadiray qaar ka mid ahi waxay dalbadeen in wixii xeerar ah ee Golahaasi horyaal loogu soo horaysiiyo xeerka caasimadda , isla markaana si dhakhso ah loo diyaariyo xeerkii doorashooyinka Baarlamaanka la iskuna bedelo Guddiyada Guddi hoosaadka golahaasi si loo dardargaliyo shaqooyinka Golaasi,waxaanay fadhi dambe u balameen maalinta bari ah .

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com