Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Samaale oo Golahii Wasiirada Siilanyo ka wada cadhaysiiyey!

wasiir-samaalemaantasomaliland):-Waxa la yaab ku noqotay ooy ka siman yihiin Wasiirada siilanyo istus iyo shaashada TVga ooy iska daawadaan. Taas oo ay ku kala badan yihiin waxa ay horseeda inay fariimaha iyo talooyinka ay si rasmi ah oo gooni ah uga wada hadli lahaayeen inay Warsaxaafadeed ku dhiiba iyagoo dhinaca iska dhigey nidaamkii dawliga ahaa.

Haddaba nuddooyinkan waxa si joogta ah u muuqday Wasiirka Maaliyadda oo sheegaya arrimo ay ahyd in Golaha Wasiiradu ka shiraan. Taas wuu dhaafay oo waxuu u gudbey inuu dhammaan Wasiirada iska baalmaro oo uu toos ula xidhiidho Agaasimayaasha Guud ee ka hoos shaqeeya wasiirada. Waxa la yaab noqotay isagoo siyaasaddii miisaaniyadda ee Golaha Wasiiradu u xilsaarnaayeen kala shiraaya Agaasimayaasha.

Hadda Wasaaradda Maaliyaddu Agaasino Guud ayey leedahay oo ahaa kolka Golaha Wasiiradu dhammeystiraan qaabka iyo qaybinta miisaaniyadda inuu hoos ugu daadajiyo agaasimayaasha. Kaasna wuu ka dul booday oo isagaa keli noqday Golaha Wasiirada, isagaa isla markaasna ah Wasiirka Maaliyadda haddana noqday mar kale Agaasimaha wasaaradda Maaliyadda.

Waxa dunida lagu akay ma aha nin keli isau xilsaaray hawlo ay cid kale ku magacaabantay, isla markaas aan helin ciqaab kaga timaada cida u xilsaaran ilalinta nidaamka iyo sharciyada u dejisan dalka. Xilkan waxa gabay waa oday Axmed Madaxweynaha oo kaalintiisi ka maqantay iyo Xildhibaano aqoon darro ay u weheliso calooshood u shaqaystinimo ka dhigatay doqonno aan dareen lahayn.

Waxa haddaba soo baxaaya warar sheegaaya in Wasiirada inta waxgaradka ihi ka gadooday arrintan ooy u arkaan inay dhabar jab ku tahay wada shaqaynta xukuumadda iyo kala xadeynta xuduudaha Wasaaradaha. Waxa la sheegey inay rag dareenka lihi ay aad uga cadhoodayn, bal se qaboojiyaal Wasiiro ah oo la wadaaga qardajeexa Samaale ayaa isku dayaaya inay arrintan dambabasaan kana dhigaan mid aan sidaas u cuslayn, waayo iyagaa iyana sidan ku dhaqma.

Aan u digu wadaadka midabka badan ee is leh Xirsiga Labaad noqo. Ogow xirsi meesha dhalasho ayuu ku joogaam tabtaad heysaana waa tii cayshisay Wasiir Duur oo waliba halka haynta ay marwada islaamo wadaagaan. Meesha barqab qudha looga baahan yahay ee aasha soco, haddii kale hebeen badhka adoon waxba laguu sheegin ka dhageyso idaacadda amba foon degdeg ah ayaad ka helo qaar aad saaxiibo u haysato bal se maalintaas ku farxi doona. Alle maxaa munaafaq kugu xeeranm waaba kuwii bur kasta ka soo boodaym cid walba la saftay, laabtooda iyo afkuna ayna isba aqoon.

Madaxweyne waan kuu duceeya oo kaala hadhimayo tan iyo inta Alle ku tusaayo kuwa aad xilka u dhiibtay dhibta ay nagu hayaan iyo sharciga sidey ugu tumanayaan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com