Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Garaad Cabdilaahi Maxmaed Guulleed oo ka soo kicitimay deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa.

Fiqifuliye-2-300x168

Fiqi-fiiiiiiiHARGEYSA(maantasomaliland):-Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Garaad Cabdilaahi Maxmaed Guulleed oo
ka soo kicitimay deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa.

Weftigan waxa meel 25km kaga dhinaca barri kaga beegan Hargeysa kaga hortagay oo qaabilay Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha, biyaha iyo Wasiirul dawlaha Maaliyadda, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaasi oo weftiga Garaadka u soo galbiyay caasimadda Hargeysa.

Suldaan Rashiid Maxamed Ducaale oo ka mid ah salaadiinta gobolka Sanaag ayaa sheegay inuu ku diirsaday inay weftigan balaadhan ee Garaadku hoggaaminayo ay ku soo dhaweeyaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu tilmaamay in beesha koonfurta Sanaag ay yihiin dad dalkooda jecel oo u diyaar ah inay wax la qabsadaan qarankooda Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu Garaadka degmadda Fiqi-fuliye si kal iyo laab ah u soo dhaweynayo, waxaanu uga mahad celiyay go’aankii geesinimadda ahaa ee sida uu xusay ay ku qaateen nabad-gelyadda isla markaana ay ku qarrameeyeen dhawaan maleeshiyo beeleedkoodii oo xiligan ka mid ah ciidammadda qaranka.Wasiir Xirsi waxa uu tilmaamay in beesha deegaanka Fiqi-fuliye ay ciidammadda qaranka ku kordhiyeen cudud hor-leh iyo ciidankii maleeshiyadii ugu balaadhnaa.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in aanay jirin cid mucaarid ku ah qarranimadda Somaliland oo ka soo jeeda deegaanka Fiqi-fuliye.

Garaadka Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo xukuumadda Somaliland sida ay ugu soo dhawaysay Hargeysa, waxaanu tilmaamay in weftigiisa oo ay xubno ka yihiin madax-dhaqameedka iyo waxgarad ka soo jeeda beesha inay u socdaan sidii loo sii adkayn lahaa qaranimadda Somaliland oo uu tilmaamay inay muqadas tahay.

Garaadku waxa uu xukuumadda ku ammaanay doorkii ay ka qaadatay nabadeynta goboladda barri, waxaanu intaas ku daray inay dhawaan magaaladda Fiqifuliye ku qarrameeyeen ku dhawaad lix boqol oo xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyo beeleedkii deegaankaasi.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com